Maxaa ka soo baxay Shirkii London ?

0
40

 Waxaa la soo gaba gabeeyay shirkii looga hadlayay arrimaha Soomaaliya, kaasi oo ka dhacay Magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay 41 masuul oo isaga kala yimid dalal kala duwan, kuwaasi oo isugu jiray Madaxweynayaal, Ra’iisul Wasaarayaal, Wasiiro, Wakiilo, Ururo iyo xubno kale.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ay ka mid yihiin Madaxda Maamul Goboleedyad dalka ayaa ka qeyb galay shirkan, waxaana ay halkaasi ku soo bandhigeen Yoolkoodii midka ah ee ay London u tageen.

Ajandayaasha Shirka London looga hadlayay ayaa kala ahaa Arrimaha Amniga, Kobcinta Dhaqaalaha, Siyaasada, Dib u eegista Dastuurka iyo Wadashaqaynta Beesha Caalamka iyo Dowladda 4-ta Sano ee soo socota.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Antonio Guterres, ayaa carabka ku adkeeyay ahmiyadda ay leedahay alkumidda barnaamij ay Soomaalida hormuud u tahay oo lagu tababarayo ciidammada qaranka Soomaaliya.

Ra’iisal wasaaraha Britain, Theresa May ayaa shaaca ka qaaday in loo baahan yahay iskaashi dhaw oo ku aadan qaabka loo wajahayo dhismaha ciidan qaran oo ay Soomalaiya leedahay.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi (Farmaajo) oo goobta khudbad ka jeediyay ayaa ku baaqay in si buuxda cunaqabataynta hubka looga qaado Soomaaliya.

”Cunaqabteyta hubka ee sanadooyinka badan saaran soomaaliya, waxay caqabada ku noqotay oo ay aad u xayirtay awoodda aan u leenahay in aan soo iibsano hub culus, inkastoo ay jiraty in si qeyb ahaan cunaqabateyntaas la qaaday 2013-kii” ayuu yiri madaxweynaha.

Farmaajo waxa uu sheegay in Dowladdiisu ay la shaqeyn doonto Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sidii cunaqabatayntaasi gebi ahaanba meesha looga saari lahaa.

Ugu dambeyntii Madaxdii ka qeyb gashay shirkan ayaa waxa ay isku raaceen in Soomaaliya dhan kasta laga taageero, si uu u noqdo wadan cagihiisa ku istaaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here