Maxamed Maxamuud Saneey oo ka hor yimid Xil ka qaadis lagu sameeyay

0
36

Gudoomiyihii Degmada Balcad ee gobolka Shabeelaha Dhaxe Maxamed Maxamuud Saneey ayaa ka hor yimid xil ka qaadis uu ku sameeyay Madaxweynaha Maamul goboleedka Hirshabelle Cali Cabdulaahi Cosoble.

Saneey ayaa sheegay in uusan waxbo kala socon laguna soo wargalin xil ka qaadista lagu sameeyay balse meelaha ka maqlay, waxa uuna tilmaamay in aysan jirin xiligan sabab looga qaadi karo xilka Gudoomiyaha degmada Balcad.

Gudoomiyaha cusub ee degmnada Balcad ayaa loo magacaabay Cismaan Xaadoole oo horey usoo noqday Gudoomiyihii degmada Balcad, waxaana xil ka qaadista iyo magacaabista uu sameeyay Madaxweynaha Hirshabelle si weyn looga dareemaya Degmada Balcad.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in sababaha soo dadejiyay xil ka qaadista lagu sameeyay Gudoomiyihii degmada Balacd in ay tahay in uu ku lug yeeshay dagaal beeleed ka dhacay deegaano hoos taga degmada Balcad.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here