Kooxo hubeysan ayaa Goor dhow degmada Waabari waxaa ay ku toogteen nabadoon Cabdiqaadir Fareey oo ka mid ahaa waxgaradka Soomaaliyeed.
Dilka ayaa ka dhacay Buundada Labaa ee qeybta degmada Waabari.
Qof ka mid ah dadka degaanka ayaa sheegay in kooxihii dilka geystay ay goobta ka baxsadeen.
Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya ayaa goobta soo gaaray waxaana ay bilaabeen howlgallo lagu baadigoobayo Kooxihii ka dambeeyay dilka loo geystay Nabadoon Fareey.