Qarax Khasaare geystay oo ka dhacay Shabeelaha Hoose

0
37

Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabellaha hoose, ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Soomaaliya qarax khasaare gaystay lagula eegtay Gobolka Shabellaha hoose.

Qaraxa ayaa  ka dhacay degaan lagu magacaabo  Kabtaan laas oo ku yaalla  duleedka degaanka Shalaanbood ee Gobolkaasi.

Saraakiil ka tirsan Ciidamada xoogga ayaa Xaqiijiyay in Qaraxaasi ay ku dhinteen laba askari sidoo kalena ay ku dhaawacmeen Saddex kale.

Sida ay sheegeen dadka degaanka Qaraxa ayaa ka dhacay Kontorool ay joogeen Ciidamada dowladda Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyadda qaraxaasi, waxayna sheegeen inay iyaga ku aaseen qaraxa goobtaasi ciidamada lagula eegtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here