Ra’isul Wasaaraha Somalia oo safarkiisii ugu horeeyay goordhaw uga ambo baxay Muqdisho

0
14

Waxaa goordhaw garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka dhoofay Ra’isul Wasaaraha xukuumada Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo kuwaa oo kusii jeeda magaalada Doha ee dalka Qadar.

Ra’isul Wasaaraha Soomaalia iyo xubnaha safarka ku wehliya ayaa magaalada Doha ee caasimada dalka Qadar uga qeyb galaya shir caalami ah oo lagu casuumay, waxa uuna R/Wasaaraha Shirkaasi ku matalayaa Soomaaliya.

Shirkan waxaa ka qeyb galaya Hay’ado Caalami ah, Deeq bixiyaal iyo siyaasiyiin dunida caan ka ah, waxaana shirkan lagu wadaa in uu furmo maalinta berito oo ku began 14-ka May , waxaana shirkan furi doona Wasiirka Arrimaha Dibadda Qatar Sheekh Mohammed Bin Abdulrahman Al-Thani.

Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya ayaa la filayaa in magaalada Doha inta uu joogo la kulmo Madax kala duwan iyo Hay’ado, waxa uuna kala hadli doonaa xariirka Soomaaliya iyo sidii ay gacan u siin lahaayeen dowlada Federaalka.

Safarkan uu maanta Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya uga baxay magaalada Muqdisho ayaa moqonaya kii ugu horeeyay uu u baxo tan iyo markii uu xilkaasi qabtay, waxaana R/Wasaaraha lagu tilmaama in muhiimad uusan siin safarada dibada balse waqti galiyo shaqada gudaha kasocota.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here