Safiiro lagu wado maanta la filayo in la magacaabo (Wadamada loo wado)

0
19

Warar lagu kalsoonaan karo oon ka helnay ilo ku dhaw Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegaya in maanta kulanka Golaha Wasiirada yeelanayaan la filayo in lagu ansixyo dhoor Safiir oo dowlada Soomaaliya wakiil uga noqonaya Wadamada xariirka dhaw kala dhaxeeyo.

Safiirada cusub ee la magacaabi doono waxaa ka mid ah Siyaasiyiin caan ah oo horey xilal kala duwan uga soo qabtay dowlada Soomaaliya, xubnaha Safiirada noqonaya ayaan u badan kuwa aad ugu dhaw Madaxaweynaha iyo Ra’isul Wasaaraha.

Sida aan xogta ku heleyno Safiirada maanta la filayo in la magacaabo waxaa ku jira Safaaraha dowlada Soomaaliya ku leedahay dalalka Kenya, Turkiga iyo Safaarada dalka Ingiriiska oo dib loo furayo kadib mudo sanado ah oo aysan shaqeyn.

Safiirada kale ee loo magacaabayo dalalka Kenya Turkiga iyo wadamo kale ayaan wali helin magacyada safiirada loo magacaabi doono, waxaana xubnahaasi ku jira kuwa aan si weyn looga dhax aqoon siyaasada dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here