Shabaab oo weeraray Saldhig ciidanka Kenya ay leeyihiin

0
34

Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya, ayaa sheegaya dagaalyahanada  Al Shabaab inay weerar la beegsadeen Saldhig ciidamada Kenya ay ku leeyihiin Gobolka Gedo.

Ciidamada Shabaab ayaa weerarkaan waxa ay ku qaadeen deegaan lagu magacaabo  Tarako oo ay joogeen Ciidamada dowladda Kenya.

Waxaa la soo sheegayaa dagaalkaasi culus inuu ka dhashay Khasaare dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray labada dhinac, inkastoo illaa hadda aanan laga haynin macluumaad sax ah inta uu la eeg yahay Khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Al-Shabaab ayaa dhowr Jeer Weeraro xooggan ku qaaday Saldhigyadda Ciidamada dowladda Kenya ee gobolka Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here