Shaxda Rasmiga Ah Kulanka Arsenal vs Man United – Wenger & Mourinho Oo Isbadal Sameeyay.

0
54

Arsenal ayaa soo dhaweyn doonta dhigeeda Manchester United, waana kulan labada kooxood u weyn madama ay mid walba dooneyso iney nooleyso rajadooda afarta sare, waana hamiga ugu fiican ee ay labadaan kooxood leeyahiin xagaagan.

Red Devils macalinkeeda Jose Mourinho ayaa la filayaa inuu kulankaan u doorto ciyaartoy da’yar isagoo aad uga fakaraya kulanka lugta labaad ee ay Celta Vigo kusoo dhaweyn doonaan Old Trafford dhamaadka todobaadkaan.

Arsene Wenger ayaa raadinaya guushii ugu horeysay oo uu ka gaaro Jose Mourinho kulamada horyaalka, mana dhicin inuu waligiis guul ka gaaro kulamadaan oo kale.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Arsenal vs Man United

Tartanka: Premier League

Garoonka: Emirates Stadium

Saacadda: 6:00 Maqribnimo (XGA)

Garsoore: Andre Marriner (England)

MAXAA KA CUSUB LABADA KOOXOOD?

ARSENAL:

Granit Xhaka ayaa seegu doona kulankaan, balse kooxda waxey dib u heshay Shkordan Mustafi kaas oo tababarka buuxa kusoo laabtay waana suuragal inuu kasoo muuqdo kulanka maanta.

Gunners waxey sidoo kale weyneysaa Lucas Perez iyo David Ospina.

MAN UNITED:

Mourinho ayaa qorsheynaya inuu nasiyo ciyaartoydiisa daalan ee kasoo muuqday kulankii Celta Vigo. Marcus Rashford ayaa ka mid ah ciyaartoyda caawa ana lagu soo bilaabi doonin kadib markii ay jug soo gaartay kulanka Celta Vigo, Yount ayaan kasoo muuqan doonin kulanka.

Marouane Fellaini ayaa ganaax kaga maqan Man United, halka Zlatan Ibrahimovic, Luke Shaw, Marcos Rojo iyo Tim Fosu-Mensah ay dhaawacyo yahiin.

XAQIIQADA KULANKA:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here