Shir looga hadlaayo Cayaaraha iyo dhalinyarada oo Muqdisho ka furmay

0
28

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa Goor dhow furay Shir looga hadlaayo Siyaasadda dhalinyarada iyo sidoo kale Cayaaraha.

Shirkaan ayaa waxaa soo qaban qaabisay Wasaaradda dhalinyarada iyo Cayaaraha dowladda Soomaaliya.

Waxa ka qeyb galaya Shirkaan Wasiirada Cayaaraha iyo dhalinyarada maamul goboleedyadda.

Wasiirka Dhalinyarada dowladda Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye oo Shirka furtay ayaa sheegtay in ay muhiim tahay in la helo siyaasad cad oo dhalinyarada Soomaaliyeed ay ku helikaraan xuquuqda ay dowladda ku leeyihiin.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa xusay in dowladda Soomaaliya ay fursad weyn ay siin doonto dhalinyarada Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here