Shirka Guddiga Maamulka Maaliyadda oo la soo gaba gabeeyay

0
31

Shirka Guddiga Maamulka Maaliyadda ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Muqidsho ee caasimadda Soomaaliya.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka socotay Bankiga Aduunka, Bankiga Afrika, waxaana shirkan looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid yihiin qaadista canshuuraha iyo hormarinta nidaamka Maaliyadeed ee Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Bayle oo ah Guddoomiyaha Guddigan ayaa sheegay Labadii bilood shirkan mar in ay isugu yimaadaan xubnaha ka tirsan Guddiga.

 

Waxa uu sheegay Guddigan in la sameeyay Labo sano ka hor, taasi oo ujeedadeeda ay aheyd sidii dhaqaalaha Soomaaliya loo hormarin lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here