Shirkadda DP-world oo maanta lagu wareejinayo Dekadda Berbera

0
25

Magaalada Berbera waxaa maanta oo Khamiis ah si rasmi ah Dekadda Magaaladaasi loogu wareejinayaa shirkadda DP-world ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.

Munaasabad kooban ayaa lagu qabanayaa Magaalada Berbera, waxaana ka qeyb galaya Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo masuuliyiin ka tirsan shirkadda DP-world.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo maalgashiga Somaliland Cumar Shuceyb Maxamed ayaa faah faahin ka bixiyay heshiiskan maanta la hirgelinayo, wuxuuna sidoo kale sheegay shirkadda DP-world in ay la wareegtay Shaqaalaha cusub.

Shacabka Soomaaliland ayaa horey Madaxdooda ugu eedeeyay in ay ku fashilmeen Hoggaaminta iyo u adeecsanaanta shacabka, waxaana ay sheegeen in ay ka soo horjeedaan heshiisyada lala galaayo shirkadaha ajaanibta ah.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here