Shirkadda DP-world oo maanta lagu wareejiyay Dekadda Berbera “SAWIRRO”

0
16

Magaalada Berbera waxaa maanta oo Khamiis ah si rasmi ah Dekadda Magaaladaasi loogu wareejiyay shirkadda DP-world ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta.

Munaasabad kooban ayaa lagu qabtay Magaalada Berbera, waxaana ka qeyb galay Madaxweynaha Maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo masuuliyiin ka tirsan shirkadda DP-world.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo maanta rasmi ah ugu wareejiyay maamulka Dekedda Berbera shirkadda Dubai Ports World ee dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay balaarinta Dekadda Berbera in ay aheyd wax qabadka xukuumadda.

Shacabka Soomaaliland ayaa horey Madaxdooda ugu eedeeyay in ay ku fashilmeen Hoggaaminta iyo u adeecsanaanta shacabka, waxaana ay sheegeen in ay ka soo horjeedaan heshiisyada lala galaayo shirkadaha ajaanibta ah.

b1

 

b2

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here