Siyaasi balan qaad yaab leh sameeyey oo loo doortay Madaxweyne (Daawo Sawirro)

0
28

Moon Jae-in oo loo doortay Madaxweyne, balan-qaad yaab lehna u sameeyey shacabka dalkiisa
Shacabka wadanka Kuuriyada Koonfureed ayaa si aqlabiyad ah ugu codeeyay Moon Jae-in inuu noqdo madaxweynaha xiga ee dalkaasi.

Jae-in oo ah qareen u dooda arrimaha xuquuqda insaanka ayaa balan qaaday inuu soo celinayo xiriirka kala dhexeeya Kuuriyada Waqooyi, si ka duwan siyaasadda xukumadda hadda ka talisa dalkaasi taasoo gebi ahaanba xiriirka u jartay xukuumadda Pyongyang.

Wuxuu sidoo kale su’aal geliyay gantaalada difaaca ee uu Mareykanku ku rakibay dalkiisa.
Waxaa la sheegay inuu helay 41.1% codadkii la dhiibtay. Musharraxa ku soo xigay Hong Joon-Pyo ayaa helay 23.3%.

Doorashadan ayaa si gaar ah isha loogu hayay, maadaama xilligan ay taagan tahay xiisadda Kuuriyada Waqooyi.

Madaxweynihii hore ee dalkaasi Ms Park waxaa Bishii Maarso ayaa xukunka looga riday ka dib markii uu baarlamaanka dalkaasi kalsoonida kala laabtay, waxaana dhawaan lagu soo oogi doonaa dacwado ku aaddan laaluush qaadasho iyo ku takri fal awoodeed, eedeymahaasi oo ay beenisay.




LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here