SOMA oo soo dhaweysay sii deynta Wariye Ismaaciil Sabriye

0
16

Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed ee Somali Media Association (SOMA) ayaa waxa uu soo dhaweeyay sii deynta Wariye Ismaaciil Cabdulle Sabriye oo ka tirsan Tv-ga Universal, kaasi oo lagu xiray Magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeelaha Dhexe oo uu ka taliyo Maamulka Hirshabeelle.

Maamulka Hirshabeelle ayaa 5-tii bishan Tv-ga Universal waxa uu ka mamnuucay in uu ka howlgalo Degaanada Hirshabeelle, sidoo kale waxa uu xiray Ismaaciil Cabdulle Sabriye oo ah Wariyaha Tv-ga Universal ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Xariga Wariyaha ayaa yimid kadib markii uu Tv-ga baahiyay warar been abuur ah, kaasi oo ah in Madaxweynaha Hirshabeelle uusan ka qeyb galeyn shirka London oo dhowaan ka furmay dalka UK.

Xoghayaha Guud ee Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed ee SOMA Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo la halday Idaacadda Hiranweyn  ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan sii deynta Wariye Ismaaciil Cabdulle Sabriye, sidoo kalena xayiraada laga qaado Tv-ga.

Waxa uu sheegay xayiraada la saaray TV-ga iyo xariga Wariyaha in ay kala hadleen Maamulka Hirshabeelle gaar ahaan, Wasiirka Warfaafinta Maamulka Hirshabeelle Mahad Xasan Cusmaan.

Sidoo kale Xoghaye Ismaaciil Khaliifa ayaa Wariyeyaasha Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka taxadiraan wararka ay baahinayaan, si aysan nafsadooda halis ugelin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here