Somaliland oo faah faahin ka bixisay Saamiga Itoobiya laga siiyay Dekeda Berbera Iyo Warar Shegaa In ,,,

0
15

Iyadoo maalin ka hor Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ay si rasmi ah ula wareegtay Dekeda Berbera, ayaa warar soo baxaya ay sheegayaan in Saami dhan 19% laga siiyay Itoobiya.

Arrintan ayaa dhalisay doodo iyo hadal heyn kala duwan oo ku aadan in Itoobiya oo aan markii hore qeyb ka aheyn heshiiska Dekeda Berbera uu hadana faa’ido ka helayo dhaqaalaha ka soo xarooda Dekeda Berbera.

Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland Xuseen Aadan Cige ayaa sheegay in Saamiga la siiyay Itoobiya aanay aheyn mid ay bixisay Somaliland.

“Saamiga la siiyay Itoobiya ee 19% ma ahan mid ay bixisay Somaliland, Shirkadda DP World ayaa siisay”ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Somaliland oo wareysi siiyay Idaacada VOA.

Waxaa uu sheegay in Shirkadda DP World ay xaq u leedahay  cida ay rabto inay siiso saamigaas, isla markaana sharciyan uu qabo heshiisyada caalamiga ah.

Somaliland iyo Shirkadda DP  World ayaa sanadkii hore kala saxiixday heshiis ay kula wareegayaan Dekeda Berbera, kaasoo dayactir iyo ballaarin ku sameynaya, waxaana heshiiskan uu soconayaa muddo 25 sanno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here