Somaliland oo walaac ka muujisay in la qaado cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya

0
28

Maamulka Somaliland ayaa walaac ka muujiyay in la qaado cunaqabateynta Hubka ee saaran Soomaaliya, iyadoo cadeysay in aanay ka qeyb galeyn shirka London ee looga hadlayo arrimaha Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo wareysi siiyay Idaacada BBC ayaa sheegay in shirka London looga hadlayo aanay quseyn Somaliland, isla markaana shirkaas uu yahay mid looga hadlayo aayaha Soomaaliya.

“Anagu nama quseeyo shirka London, waxaa looga hadlayaa arrimaha Soomaaliya oo aanu Jaar nahay”ayuu yiri Dr. Sacad Cali Shire.

Dr. Sacad Cali Shire ayaa walaac ka muujiyay in xilligan la qaado cunaqabateynta hubka Soomaaliya, oo ay qeyb ka tahay qorshaha amniga Qaranka.

Waxaa uu sheegay in hadii la qaado cunaqabateynta hubka Soomaaliya ay dhib badan abuuri karto, isla markaana gobolka uu saameyn ku yeelanayo.

Sidoo kale waxaa uu ka hadlay qorshaha dhismaha ciidamada, isagoo walaac ka muujiyay in xilligan ciidamo laga qoro deegaanada Somaliland, sida Buuhoodle oo uu xusay in gacanta ugu jirin maamulkooda.

Shirka London ayaa lagu wadaa inuu furmo 11-ka bishan, iyadoo shirkan ay ka qeyb galayaan in ka badan 40 dowladood iyo ururo caalami ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here