Soomaali laga soo tarxiilay Maraykanka oo saacadaha soo socda ku soo wajahan Muqdisho

0
21

Dayuurad siday 72 ruux oo laga soo tarxiilay dalka Maraykanka ayaa saaka ka degtay garoonka dayuuradaha Jomo Kenyatta ee magaalada Nairobi.

Dadkan laga soo tarxiilay Maraykanka ayaa isugu jira 5 Kenyan ah iyo 67 Soomaali ah, waxaana dayuurada lagu soo qaaday dadkan la socday ilaalo hubeysan.

Saraaakiisha Maraykanka ayaa sheegay in dadkan loo soo tarxiilay arrimo la xiriira dhinaca socdaalka iyo dembiyo ay ka galeen dalkaas.

Waxaa lagu wadaa in 76 Soomaalida ah loo soo duuliyo magaalada Muqdisho galabta ama beri, iyadoo kuwa Kenyanka ahna ay dalkooda joogi doonaan.

Bishii Janaayo ee sanadkan ayey aheyd markii 90 Soomaali ah iyo 2 Kenyan ah laga soo masaafuriyey waddanka Maraykanka kuwaasoo dib loogu celiyey dalalkoodii.

Waa markii saddexaad ee dad isugu jira Soomaali iyo Kenyan laga soo masaafuriyo wadanka Maraykanka sanadkan gudihiisa, iyadoo saraaakiisha Maraykanku sheegee iney xabsiyada dalkaas ku jiraan kumanaan Soomaali ah oo sugaya in sugaya in dalkooda loo tarxiilo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here