Wabiga Shabeelle oo ku fatahay Shabellaha Dhexe Iyo Qasaaro La so shegaayo

0
16

Wabiga Shabeelle ayaa billaabay Fatahaad kaddib markii uu buuxdhaafay ee uu karkaarrada jabsaday,waxaana ka dhashay khasaare Hantiyadeed oo Guryaha iyo Beeraha ah.

Gobolka Shabeellaha dhexe ayuu hadda ka sameeyay Fatahaaddii ugu horreeysay,waxana uu sameyn taban ku yeeshay Beeraha iyo Tuulooyinka Gobolka Shabeellaha dhexe.

Degaannada uu saameeyay waxaa ka mid ah Degaanka Maandheere oo ka tirsan Shabeellaha dhexe,halkaas oo uu Beero badan baabi’iyay.

Guddoomiyaha degaanka Maandheere ee Shabeellaha dhexe Sheekh Saalax,ayaa Warbaahinta u sheegay in ay hadda ku howllanyihiin sidii ay isaga xiri lahaayeen Buqda ku fatahday degaankaas.

Wabiga Shabeelle ayaa jabsaday meel Cabbirkeeda lagu qiyaasa  10 Mitir halkaas oo ay biyaha ka socdaan islamarkaana ay dhibaato ku hayaan Beeraha Dhayga Wabiga iyo degaannada ku xeeran.

Maamulka Hirshabeelle ayaa wada dadaallo wax looga qabanayo xakameynta Fatahaadda Wabiga Shabeelle ee mara Maamulka Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here