Wafdi horu-dhac ah oo dowladda Federaalka u dirtay shirka London

0
23

Dowladda Soomaaliya ayaa wafdi horu dhac ah waxaa ay u dirtay Magaalada London ee dalka Ingariiska ,halkaasoo 11-ka Bishaan uu ka furmi doono Shir Caalami ah oo looga hadlaayo Arimaha Soomaaliya.

Wafdigaan ayaa loogu tala galay in ay lasii kulmaan Mas’uuliyiinta dowladda Ingariiska ee Shirkaan Marti gelinaya.

Wafdigan ayaa waxaa hoggaaminaya Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Qorsheynta hadana ah Madaxa Qaban qaabada shirka London ee dowladda Federaalka C/raxmaan Ceynte .

Cabdiraxmaan Ceynte ayaa sheegay in Shirkaan ay Faa’ido badan ay ugu jirto umadda Soomaaliyeed , islamarkaana dowladda Soomaaliya ay codsan doonto in laga cafiyo deymo badan oo lagu leeyahay.

Sidoo kale Waxaa uu tilmaamay in Shirka looga hadli doono qodobo ay ka mid yihiin Suggida Amniga , Maqaamka Muqdisho, iyo dhaqaalaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here