War deg deg ah: Safiirka Soomaaliya u fadhi doona UK oo si rasmi ah oo loo magacaabay

0
15

Iyadoo saacadihii uu dambeeyey ay soo baxayeen warar sheegayey safiiro dowlada Somalia ay u magacaabeyso dalalka caalamka qaarkood ayaa waxaa goor dhow loo ay soo xaqiijisay in dowlada Somalia ay si rasmi ah u magacowday safiirka u fadhin doona dalka UK.

C/raxmaan Macalin Xuseen oo ka mid ah dhalinyarada qurba joogta ah ee lagu casuumay shirka arrimaha Somalia looga hadlayo ee ka socda London ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in C/raxmaan Ceyne si rasmi ah loogu magacaabay safiirka dowlada Somalia u fadhin doona UK.

Waxaa uu intaa ku daray C/raxmaan Macalin Xuseen in waraaqaha safiirka UK loogu magacaabay C/raxmaan Ceynte loo gudbiyey wasaaradda arrimaha dibeda ee UK dhowaana la filayo inuu boqorada UK u gudbiyo warqadihiisa rasmiga ah ee aqoonsiga danjirenimo.

C/raxmaan Ceynte oo ka mid ah la Taliyeyaasha Madaxweynaha Somalia ayaa horey u soo noqday wasiirka Qorsheynta, isagoo haatana madaxa qaban-qaaabada shirka London.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here