Wasaaradda Amniga oo baaq u dirtay shacabka

0
18

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Soomaaliya Xasan Macalin Xuseen ayaa waxa uu faah faahin ka bixiyay shirka Amniga, kaas oo ay ka qeyb galeen Madaxda laamaha amniga dalka, kana dhacay Muqdisho.

Shirkan ayaa waxaa lagu falanqeynayey sidii loo xasilin lahaa ammaanka guud ee dalka, gaar ahaan caasimadda Soomaaliya ee Magaalada Muqdisho.

Xasan Macalin Xuseen Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Amniga Soomaaliya ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay qeyb ka qaataan xasilinta dalka iyo dardar-gelinta hawlaha sugidda amniga.

Waxa uu sheegay in amniga uu yahay muhiimadda koowaad ee dawladda ay ku dhisan tahay, lagana shaqeynayo sidii lagu heli lahaa amni lagu kalsoon yahay, loona baahan yahay in guulaha laga gaarey la xajiyo, lana wajaho qaabkii dalka oo dhan amni buuxa looga dhalin lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here