Xildhibaano Dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed ka wada Nairobi

0
28

Wararka ka imaanaya Magaalada Nairobi ee dalka Kenya,ayaa sheegaya xubno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare in ay dhaqdhaqaaq siyaasadeed ka wadaan Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, taasi oo ay kaga gol leeyihiin in Dowladda Federaalka ay ku furaan Mowjado Siyaasadeed oo mucaarado ah.

Waxaa la sheegayaa xubnahan oo ka kala tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare in ay kulamo joogto ah ku leeyihiin Hoteelo ku yaalla Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasina ay ku falanqeynayaan xaalada siyaasadeed ee dalka uu marayao.

Xubnaha Baarlamaanka ayaa hada ku guda jira fasaxoodii ugu horeeyay tan iyo markii Baarlamaanka Federaalka laga soo doortay Gobolada dalka Soomaaliya.

Wararka soo baxaya waxa ay sheegayaan xildhibaanadan wada olaha ku aadan Mucaaradnimada ku aadan Dowladda Federaalka Soomaaliya in ay u badan yihiin kuwo looga baxay balamo ay la galeen Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan Dowladda Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed (Farmajo) in ay tahay Dowladda keliya ee heshay taageerada buuxda ee kaga timid shacabka Soomaaliyeed, waxaana Madaxda Dowladda ay hada wadaan qorshe guud oo ay wax kaga qabanayaan xaalada siyaasadeed ee dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here