Xilka Hanti dhowraha Qaranka oo maanta lagu Warejiyay Ku xigeenkiisa

0
23

Cali Abuukar Axmed ku xigeenka Hanti dhowraha Qaranka ayaa maanta Si KMG ah ula wareegay xilka Hanti dhowraha Guud ee Qaranka ka dib Xaflad lagu qabtay Muqdisho.

Xafladdaan ayaa waxaa Joogay Wasiiro ka tirsan dowladda sida Wasiirka Caddaaladda , Wasiirka Maaliyadda iyo xubno kale oo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya.

Arintaan ayaa timid ka dib markii dhawaan xilka laga qaaday Hanti dhowraha Guud ee Qaranka Nuur Faarax Jimcaale oo lagu eedeeyay in ilaaladiisa ay dishay Wasiirkii howlaha Guud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here