Xiriirka Kubadda Koleyga Adduunka oo ka farxiyey ciyaartoyda gabdhaha Muslimiinta ah (Daawo Sawirro)

0
21

Xiriirka Kubadda Kolayga Adduunka (FIBA) ayaa wax ka bedelay xeerarka ciyaarta, iyagoo ogolaaday in hablaha ciyaara Kubadda Kolaygu ay xirtaan Khamaar ay timahooda ku asturaan.

Xeerarkan cusub waxay si ku meel gaar ah oo laba sanadood ah u dhaqan geli doonaan bisha Oktoobar ee soo socota.

Markii hore xeerarka u yaalla ciyaartu way mamnuuci jireen in habluhu asturaan madaxooga oo ay qariyaan timaha, sababtana waxa xiriirku ku sheegay inay ahayd xagga bedqabka ciyaartoyda.

Hablaha kooxda kubadda kolayga ee Qatar ayaa ka baxay tartankii kubadda kolayga ee ciyaaraha Aasiya sanadkii 2014 ka dib markii loo diiday inay hablahaasi ku ciyaaraan Khamaarka.

Laakiin xeerarkan cusub ee ay FIBA meel marisay waxay haatan u ogolaan doonaan in hablaha doonaya inay khamaar ku ciyaaraan iyagoo xor ah xirtaan isla markaana ciyaaraha ka qayb galaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here