Friday, April 20th, 2018
Advertisements
Advertisements

57; Qof oo ku dhimatay Dab ka socda Bartamaha Portugal

Published on June 18, 2017 by   ·   No Comments

57;Qof ayey mareysaa dhimashada Dab xoog badan oo ka kacay bartamaha Dalka Portugal,kaddib markii Keyn ku taalla bartamaha dalkaas uu dab qabsaday.

Xoghayaha wasaaradda arrimaha gudaha Portugal Jorge Gomes,ayaa sheegay in 30 ka mid ah dhimashada ilaa hadda lahayo laga soo saaray Gawaari ay wateen oo uu dabka ku qabsaday iyaga oo isku dayay in ay ka baxsadaan.

In ka badan 600 oo Dab damiyayaal ah ayaa isku dayaya in ay dabka damiyaan,waxaana lix ka mid ah dadka dhintay ay yihiin dab damiyayaashii isku dayay hakinta dabka.

Dabka ayaa xawaare dheereeye ku socda waxaana Dowladda isku dayeysaa in ay xakameyso si uusan ugu sii fidin waddanka oo dhan.

Dowladda Spain ayaa labo diyaaradood oo nooca dab damiska ah u dirtay Dalkaas,si ay wax uga qabato dabka ka socda keynta bartamaha Portugal,sidoo kale Midowga Yurub ayaa ku howllan isku dubba ridka gurmad caalami ah oo wax looga qabanayo dabkaas oo sida muuqata ka gudbi kara sohdimaha dalka Portugal.

Dabkan dowladda si rasmi ah ugama hadlin waxa sababay,waxaase warbaahintu qoreysaa in dabeyl badan oo jirta ay sabab u tahay dabkan,kaas oo dad badan ay ku dhinteen kuwo kalena dhaawacay walina ka socda dalkaas.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Wasiirka Maaliyada” Bankiga Adduunka Iyo IMF Waxay Ku Qanceen Qaabka Maamulka Maaliyadda”

April, 20, 2018
Wasiirka maaliyadda ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr: C/raxaan Ducaale Beyle oo ka qayb galaya shirka looga hadlayo taakulaynta ...

{DAAWO SAWIRADA} Boqor ku dhawaaqay in uu badaley magaca dalkiisa

April, 20, 2018
Boqorka dalka Swaziland Boqor Mswati III ayaa markii ugu horeysay ku dhawaaqay in uu bedelay magaca dalkiisa ee ...