Saturday, November 18th, 2017
Advertisements
Advertisements

Arsenal Oo U Dhaqaaqeysa Riyad Mahrez Madama Laga Soo Diiday Labadii Dalab Ee Ay Ka Gudbiyeen Lemar & Lacazette.

Published on June 29, 2017 by   ·   No Comments

Sida ay qortay jariiradda Telegraph – Arsenal ayaa u dhaqaaqeysa soo xerogalinta garabka Leicester City Riyad Mahrez madama ay ku fashilantay dalabyadii ay gaarsisay kooxaha Monaco & Lyon oo ay si wadajir ah uga dooneysay Thomas Lemar iyo Alexandre Lacazette.

26-jirka reer Algeria wuxuu Foxes ka saaciday iney si mucjiso leh ugu guuleysato horyaalka Premier League xilli ciyaareedkii 2015/2016, balse xagaagan wuxuu kooxdiisa ka dalbaday in la iibiyo taasoo fursad fiican u ah Arsene Wenger oo ku raad jooga garab weerarka ka qeyb qaadan kara.

Macalinka reer France wuxuu si daran suuqa uga baadi goobayaa badalka Alexis Sanchez oo aysan badneyn inuu baaqi kusii ahaan doono garoonka Emirates madama 12-bilood kaliya uu kaga haray qandaraaskiisa sidoo kalanauu doorbidayo inuu ka ciyaaro Champions League.

Si kastaba Riyad Mahrez waxaa lagu qiimeeyaa 50 Malyan oo Pound waana qiimo aad u sareeya oo dhib ku noqon kara tababare Wenger madama uu qiimo qaali ah uga cararayo Thomas Lemar iyo Alexandre Lacazette.

Dhanka kale Jariiradda waxey intaas ku dareysaa in Arsenal ay macquul tahay iney la kulanto lacagaha xidigaan madama ay u xilan karto inuu si fiican u fahansan yahay horyaalka Premier League.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

WAR DEG DEG AH-:Xildhibaanada Golaha Shacabka oo isku raacay in Sharci Darro tahay dhiibistii Qalbi dhagax.

November, 18, 2017
Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo xiligaan ka socda Xarunta Golaha Shacabka ayaa warbixin ka dhageestay guddigii loo ...

{Akhriso} Qodobada Ay Isku Afgarteen Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Hogaanka Xisbiga WADDANI.

November, 18, 2017
Kulankii ay manta  yeesheen komishanka Doorashooyinka qaranka iyo hogaanka xisbiga WADDANI ayaa ku soo dhamaaday is afgarad buuxa. ...