Barcelona & Arsenal Oo Da’yarka Ree Portugal Ee Pedro Neto U Jabinaya Rekoodhka Suuqa Kala Iibsiga Ee Ciyaartoyda Da’diisa Ah.

0
3

Da’yarka ree Portugal iyo  kooxda Braga ee Pedro Neto ayaa soo jiitay indhaha kooxaha waa wayn ee Yurub, waxaana xidigan hore loola xidhiidhinayay kooxaha Barcelona, Manchester United, Manchester City iyo Liverpool laakiin waxay hadda u muuqataa in kooxaha Barcelona iyo Arsenal oo tartankan ku soo biirtay ay iskugu soo hadheen.

Wargayska dalka Portugal ka soo baxa ee A Bola ayaa shaaciyay qiimaha lacageed ee ay kooxda Braga ka soo diiday in ay Pedro Neto kaga iibiso kooxaha doonaya xidigan wuxuuna wargayskani sheegay in Braga ayna 17 sano jirkan ku iibin doonin qiimo ka hooseeeya 20 milyan oo euros.

Kooxda Braga ayaa soo diiday dalab 15 milyan oo euros ahaa oo ay Arsenal ka gudbisay 17 sano jirkan aadka loo qiimeeyo balse waxay kooxda Braga ku adkaysatay in ayna xidigan ku fasixi karin qiimo ka hooseeya lacagta heshiiskiisa lagu burburin karo oo ah 20 milyan oo euros oo u dhiganta 17.6 milyan gini.

Waxayna wararku sheegayaan in Barcelona ay diyaarinayso dalabkii ugu danbeeyay ee ay ku doonayso saxiixa Pedro Neto kaas oo ay uu xidigani ku noqon doono 17 sano jirkii abid ugu qaalisanaa wuxuuna rekoodhkan kala wareegi doonaa Alexandre Pato oo ilaa hadda ah 17 sano jirka abid lacagta ugu badan lagula kala wareegay.

Barcelona iyo Arsenal ayaa ah kooxo aad u xiiseeya ciyaartoyda da’yarta ah ee tayada sarre leh waxayna hadda ku dagaalamayaan gool dhaliyahan da’yarka ah ee Pedro Neto kaas oo leh farsamo iyo xirfad uu ku noqon karo xidig heer sarre ah.

Haddii ay dhacdo in Barcelona ama Arsenal ay bixiso lacagta 20 milyan ee euros ah ee lagu burburin karo heshiiska Pedro Neto waxaa loo diwaan galin doonaa rekoodhka ah in uu yahay 17 sano jirkii abid ugu qaalinsanaa kubbada cagta.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here