Friday, August 18th, 2017
Advertisements
Advertisements

Cali Khaliif Galeyr oo ka hadlay waxa laga Faa’iidi karo Heshiiska ay la gaareen Somaliland

Published on June 18, 2017 by   ·   No Comments

Madaxweynaha Maamulka Khaatumo Cali Khaliif Galeyr ayaa ka hadlay heshiis shan qodob ka kooban oo shalay magaalada Hargeysa ku kala saxiixdeen Maamulka Somaliland iyo Maamulka Khaatumo State kadib wadahadalo mudo socday.

Cali Khaliif Galeyr oo hadal ka jeediyay madashii labada dhinac Heshiiska ku kala saxiixdeen ayaa guul ku tilmaamay Heshiiska la gaaray, waxa uuna tilmaamay in loo baahnaa Khilaafka siyaasadeed ee jiray in lagu dhameeyo xal siyaasadeed la iskuna soo dhawaado.

Waxa uu sheegay in dhinacooda ay mar walbo diyaar u ahaayeen in wadahadal iyo is fahan lagu dhameeyo wax walbo, waxa uuna Heshiiska hada la gaaray tilmaamay in faa’iido badan ugu jirto labada dhinac ee Somaliland iyo Khaatumo.

Cali Khaliif Galeyr Madaxweynaha Khaatumo ayaa cadeeyay in aysan cidna marti u noqoneyn, waxa uuna intaa raaciyay in muhiim tahay loona baahan yahay in umada lagu hogaamiyo nabad wada noolanasho , Sinaan iyo Cadaalad .

“Cidii fileysa in hoosta nala gelinayo, cidna marti u noqon meyno, si cad baan ku heshiineynaa oo wax aan wada leenahay ayaa dhiseynaa, ama si cad ayaa ku kala tageynaa, waxay u egtahay in si cad in lagu heshiin doono” Ayuu yiri Cali Khaliif.

Waxa uu sheegay in Faa’iidada laga heli karo in la heshiiyo in ay ka dhalaneyso in la helo ictiraaf ama aqoonsi uu helo Maamulka Somaliland, waxa uuna tilmaamay hadii kalsooni bilaabato Aqoonsiga la raadinayo in meeshoodo ugu imaanayo Somaliland.

” Aniga waxaa qabaa hadii aan heshiino oo wax wada yeelano, kalsooni bilaabato, ictiraafka loo gar-guurto waa ka koreynaa, wey ii muuqataa waxa ay u baahan tahay Somaliland , walee meesheena naloogu imaan hadii aan midowno oo wada jiraan dadka dhulkan degan” Ayuu yiri Prof Galeyr.

Maamulka Somaliland iyo Khaatumo ayaa ugu dambeyn wadahadalo mudo badan socday kadib waxa ay shalay hesgiis 5-qodob ka koobnaa ku kala saxiixeen magaalada Hargeysa, waxa ayna u muuqataa in Khaatumo ay ku biiri doonto maamulka Siomaliland.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Oo Deg Deg Muqdisho looga Yeeray,

August, 18, 2017
Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre ayaa gelinkii dambe ee maanta safar deg deg ah ku aaday magaalada ...

Al.shabaab oo dad ku dilay Degmada lamuu Ee Dalka Kenya

August, 18, 2017
Wararka ka imanaya deegaanka lagu magacaabo Maleli oo ka tirsan degmada Lamu dalka Kenya, ayaa sheegaya in Al-shabaab ...

Madaxweynaha G/galbeed oo Sheegay in amaanka wax laga badalay

August, 18, 2017
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in ay isku xiran yihiin ammaanka iyo dhaqaalaha, ...

Madaxweyne Gaas Oo gaaray Dalka sacuudiga

August, 18, 2017
Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa xalay gaaray magaalada Jeddah dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, maalin un ...

Faahfaahin ka soo baxaysa dagaal shalay ka dhacay deegaanka Xeraale

August, 18, 2017
Waxaa soo baxay faahfaahin ku saabsan qasaaraha ka dhashay dagaal shalay markale ku dhex maray deegaanka Xeraale maleeshiyo ...

{DHAGEYSO} Barnaamijka waxbarashada Ee Radio Hiranweyn Magaalada Baladweyne

August, 18, 2017
Dhageysatayaasha  sharafta leh ee  Radio Hiranweyn ee Magaalada Baledweyne, Ee ku xiran Webkeena Www.hiiraanweyn.net ama hiranweyn.com, Waxaan idin soo gudbineyna Barnaamijka ...

FAAH FAAHIN DHEERAD AH:.Askar lagu dilay Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool

August, 18, 2017
Laba Askari oo booliis ah kana mid ahaa ilaalada goob laga qaadanayay kaadhadhka doorashada somaliland ayaa  lagu dilay ...