Monday, December 11th, 2017
Advertisements
Advertisements

Ciidanka Turkiga oo gudaha u galay Dalka Qadar

Published on June 19, 2017 by   ·   No Comments

Ciidamada Milatariga ee Dalka Turkiga ayaa gudaha Dalka Qadar galay,waxaana cutubyo ka mid ah ay gaareen Magaalada Dooxa ee Xarunta Dalka Qadar.

Wasiirka Difaaca Dalka Qadar,ayaa xaqiijiyay in Ciidanka Milatariga Turkiga ay Dalkiisa galeen,islamarkaana ay dhoolatus milatari la sameyn doonaan Ciidamada Dalka Qadar.

Waxaa uu sheegay in la dejiyay Saldhigga Milatari ee Tariq bin Ziyad,halkaas oo ay dhoolatuska kula sameyn doonaan Dhiggooda Qadar.

Wasiirka Difaaca ayaa sheegay in dhoolatuskan muddo dheer la qorsheynayay ujeedada laga leeyahayna ay tahay in la tijaabiyo awoodda difaac ee labada dal sidoo kalena iska kaashadaan la dagaallanka Argagixisada.

Dhoolatuskan waxaa uu ku soo aadayaa iyada oo dalalka Khaliijka oo uu Sucuudiga hoggaaminayo ay xiriirka u jareen Qadar islamarkaana saareen cunaqabateyn dhaqaale,Safar iyo Diblomaasiyadeed.

Billowgii Bishan Baarlamaanka Turkiga ayaa meel mariyay In Cutubyo ka mid ah Milatariga Turkiga la geeyo Qadar si haddii ay la kulanto tallaabo milatari oo uga timaada waddamada Khaliijka looga difaaco.

Qadar waxaa ay xiriir wanaagsan la leedahay Waddamada Turkiga,Iraan,Pakistan,Indonesia,Malaysia iyo Waddamo kale oo Muslim ah islamarkaana u muujiyay taageero hiil iyo hooba la garab joogay.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Banaadir oo 3-0 ku dhufatay Xiddigaha Galmudug cayaar qeyb ka ah Tartanka maamul gobolleedyada

December, 11, 2017
Kulankan oo qeyb ka ah Tartanka maamul gobolleedyada ayaa waxaa ku awood sheegtay xulka Kubadda Cagta gobolka Banaadir ...

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay magaalada Istanbuul,

December, 11, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u amba-baxay magaalada Istanbuul ee dalka ...