Monday, August 21st, 2017
Advertisements
Advertisements

{DAAWO SAWIRADA} Dayactir lagu sameynayo wadada isku xirta Jowhar iyo Muqdisho

Published on June 18, 2017 by   ·   No Comments

Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Cali Cabdulaahi Xuseen iyo Wasiiru Dowlaha Maaliyada Dowlada Federalka Maxamuud Xayir Ibraahin ayaa si wadajir ah u  dhagax dhigay dayactir lagu sameynayo wadada isku xirta magaalada Jowhar iyo magaalada Muqdisho.

Munaasabada lagu dhagax dhigayay dayactir lagu sameynayo wadada isku xirta magaalada Jowhar iyo deegaanka Kongo oo lagu qabtay magaalada Jowhar ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiiro,wasiir ku xigeeno, xildhibaano, maamulka gobolka Sh/dhexe iyo khubarada dhismaha wadooyinka.

Wadada la dhagax dhigay ayaa ah qeybta koowaad ee dayactir lagu sameynayo wadada isku xirta magaalada Jowhar iyo Muqdisho waxaana qorshaha koowaad uu yahay in la dayactiro illaa 5km iyadoo howsha dayactirkana ay socon doonto muddo 4 bilood ah.

Guddoomiyaha gobolka Sh/dhexe Axmed Meyre Makaraan ayaa soo dhoweeyay bilowga dayactirka maadaama shacabka ay dhibaato ku qabaan isagoo u mahadceliyay dowlada federalka Soomaaliya.

Wasiiru dowlaha Maaliyada dowlada federalka Soomaaliya Mudane Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa sheegay in mashruucan lagu dayactirayo uu yahay SFF LD kaasoo ah in lagu tayeeyo kaabayaasha dalka waxana la doonayaa in laga hirgeliyo 13 gobol oo dalka ah.

“Wadadan waxbadan ayay u tari doontaa dadka Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Sh/dhexe waxaana dhagax dhigan tusaale u yahay in ummada Soomaaliyeed ay ka shaqeynayaan horumar halka dad badan ay ka hadlaan gaajo iyo macluul taasina waxa ay muujinaysaa in dowladeenu hore u socoto maamul goboleeyaduna dhismayaan.”ayuu yiri Wasiiru Dowlaha Maaliyada Dowlada Federalka Soomaaliya.

Ugu dambeyntii  waxaa ka hadlay munaasabadan dhagax dhiga Madaxweyne ku xigeenka Dowlada Federalka Soomaaliya Cali Cabdulaahi Xuseen  ayaa sheegay in mashruucan lagu dayactirayo wadadan ay soo socotayy muddo dheer uuna ku faraxsan yahay in maanta la dhagax dhigo waddo 5km ah.

“Dowlad Goboleedka Hirshabeele baahi weyn ayay u qabtaa in wadooyinka wax laga qabto waayo dhibaato ayay ku tahay shacabka isu socodka wadooyinka oo burbursan awgeed.”ayuu sii raaciyay Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle.

Shirkadda SECCO oo ah shirkadda fulinaysa mashruuca lagu dayactirayo wadada ayaa  waxay ka howlgashaa dhamaan gobolada dalka si gaar ah koonfurta Soomaaliya. Waxayna kamid tahay shirkadaha dhismaha dalka taas oo loo abuuray sidii ay uga qeyb qaadan laheyd dhismaha, hormarinta iyo dib u dhiska dalka isla markaana waxay shaqo abuur u sameysaa dhalinyarada Soomaaliyeed.

Ma aha markii ugu horeysay oo ay shirkadda SECCO ka fuliso howlo magaalada Jowhar waxaana ay dhawaan fulisay mashruuc wax looga qabanayey hagaajinta iyo qulqulka biyaha wabiga Shabelle gaar ahaan Sabuun iyo Xiintoy oo ka tirsan Jowhar.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Xildhibaan Qoono “Mowqifka Xukuumadda qaadatay waa mid lagu deg degay oo fudeed ku jiro”

August, 20, 2017
Xildhibaan Maxamed Xasan Qoono oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa dhaliilay mowqifka Xukuumadda Soomaaliya ka qaadatay ...

Al-Shabaab oo si rasmi ah u xaqiijisay geeridii Sheekh Cali Jabal

August, 20, 2017
Xarakada Al-Shabaab ayaa markii uga  horeysay si rasmi ah u xaqiijisay geeridii Sheekh Cali Maxamed Xuseen (Sheekh Cali ...

(Daawo sawirada) Maxay ka wada hadleen madaxweyne Farmaajo iyo Al-sisi

August, 20, 2017
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku sugan magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho ...

Lix ruux oo ku dhimatay dagaal ka dhacay duleedka Cadaado

August, 20, 2017
in ka badan lix ruux ayaa ku dhimatay halka tiro ka badan 20 kalan ay ku dhawacmeen kadib ...

Madaxweyne Xaaf oo sheegay in Galmudug ay Difaaceyso Shacabka Reer Xeraale

August, 20, 2017
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Maanta Magaalada Cadaado kula Shiray Baarlamaanka Maamulka Galmudug,waxaana ay ka wada ...

{DAAWO MUQAALKA} Sida Uu Madaxweyne Cosoble Uga Soo Horjeestay Go aanka Dowlada

August, 20, 2017
Cali Cabdulaahi Cosoble oo ay dhowaan xilka ka qaadeen xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle ayaa sheegay in uusan xoog ku ...

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Digniin adag u diray Somaliland

August, 20, 2017
Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar Camey ayaa sheegay in Puntland ay ka hortagayso in deeganada lagu ...