Wednesday, June 28th, 2017
Advertisements
Advertisements

{DAAWO SAWIRADA} Dowladda Soomaaliya Oo Manta lagu wareejiyay Markab sida Shixnad gargaar

Published on June 17, 2017 by   ·   No Comments

Dowladda Soomaaliya ayaa maanta Dekedda Magaalada Muqdisho kula wareegtay Markab sida Shixnad gargaar ah oo ka timid Shacabka aynu walaalaha nahay ee Turkiga.

Deeqdaan ayaa waxaa loogu tala galay Shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen, waxaana ay gaareysa 13 kun oo tan.

Hay’adda Bisha Cas ee dalka Turkiga oo deeqdaan lasoo marsiiyay ayaa waxa ay sheegtay in ay sii waddi doonto u gargaarida Shacabka Soomaaliyeed.

Safiirka dowladda Turkiga u Fadhiya Soomaaliya ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay garab taagan tahay Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka dowladda Soomaaliya Cilmi Cumar Ceysane ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga deeqdaan ay ugu deeqday Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sheegay in deeqdaan loo qeybin doono Shacabka Soomaaliyeed ee ay Abaaruhu saameeyeen ee ku sugan gobolka Banaadir iyo maamul goboleedyadda, isagoona sheegay in ay kusoo aaday xilli loo baahnaa.

Dowladda Turkiga ayaa ka mid ah dowladaha sida weyn u taageera Shacabka Soomaaliyeed.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Daawo Sawirada “Ra’iisul Wasaaraha oo shir guddoomiyay kulan looga hadlayay Amniga Badaha

June, 28, 2017
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa shir guddoomiyay kulanka guddiga amniga Badaha, kaasoo looga hadlayay arrimo dhowr ...

{DAAWO SAWIRADA} Qaar kamid ah maxaabiis uu dhawaan cafis u fidiyay madaxweynaha Jubaland oo la sii daayay

June, 28, 2017
Qaar kamid ah maxaabiis uu dhawaan madaxweynaha Jubaland cafis u fidiyay munaasabadda ciidda awgeed ayaa maanta laga sii ...

Talyaaniga oo xiray Nin Soomaali ah oo loo heysto tacaddiyo U Geystay

June, 28, 2017
Saraakiisha dowladda Talyaaniga ayaa sheegaya inay xireen nin Soomaali ah oo lagu eedeynayo in uu ku lug leeyahay ...

Dowladda Soomaaliya oo Dalbatay Markabkii Sameyn lahaa Fiiladii Internet-kii go’ay

June, 28, 2017
Dowladda Soomaaliya ayaa markabkii sameyn lahaa Fiiladii Internet-ka Fibre Optic eek a go’ay Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ka ...

Dowladda Soomaaliya oo markabkii sameyn lahaa Fiiladii Internet-kii go’ay ka dalabtay Cummaan

June, 28, 2017
Dowladda Soomaaliya ayaa markabkii sameyn lahaa Fiiladii Internet-ka Fibre Optic eek a go’ay Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya ka ...

Maydad Muhaajiriin ah oo laga helay Xeebaha Dalka Liibiya, iyo Tiradda Maydadka la helayo ilaa iyo hadda oo aad u sara maray

June, 28, 2017
Waxaa xeebaha dalka Liibiya laga helay meydad gaaraya 25 qaf oo muhaajiriin ahaa kuwaasi oo isku dayayay in ...

Imaraadka oo sheegtay in Cunaqabtayn dheeraad ah la saarayo Qadar Hadii aysan Aqbalin Dalabka Xulufada

June, 28, 2017
Dowladda Imaaraadka u Fadhiya Ruushka ayaa ku goodiyay in cunuqabatayn dhaqaale oo dheeraad ah la saari doonodowladda Qadar ...