Friday, August 18th, 2017
Advertisements
Advertisements

{DAAWO SAWIRADA} Duqa Magaaladda St Paul oo ka qaybgalay Afur ay Sameeyeen Masjidka Abuubakar Minneapolis

Published on June 17, 2017 by   ·   No Comments

Kulamo lagu baro diinta Islaamka dadka aan Muslimiinta aheen ayaa sanadkiiba labo jeer lagu qabtaa masaajidkaan Abuubakar A Sadiiq ee ku yaal magaaladda Minneapolis, waxaana lagu casuumaa dadka dariska la ah masaajidka iyo madaxda kala duwan ee la soo doorto , waxaaiayguna loo yeeraa madaxda kala duwan ee kaniisadaha iyagoo loo sharaxo diinta Islaamka.

Hadaba Kulankii Habeen hore dhacay ayaa ahaa mid aad u balaaran marka loo eego ajaanibta kala duwan ee ka soo qaybgashay  kaas oo ugu horeeyo Duqa Magaaladda St Paul Chris Coleman iyo madax ka kala socotay ururda Diimaha kala duwan.

Maamulaha Masaajidka  Abuubakar ee martida loo ahaa Cabdulahi Axmed Faarax oo la yaqaan Cabdiwaajid ayaan waydiinay waxa ay uga gol lee yihiin in intaan oo muslimiin aheen oo waliba  kala duwan inay isku keenaan ,waxuuna ku jawaabay iyadoo ay batay islaam nacaybka Maraykanka dhexdiisa ayaan rabnaa dariskeena inaan u sharaxno waxa ay diinteenu tahay ku kalana war qaadano ayuu yiri Cabdiwaajid.

Mayorka St Paul Chris Coleman oo jeediyey khudbad aad u dheer ayuu waxuu ka hadlay in loo baahan yahay in la soo dhaweeyo Muslimiinta ,in meel adag looga soo jeesto dadka wada islaam nacaybka , waxyaabaha ka socda dalkaan Maraykan Meelaha qaar ka mid ahna ma soo dhaweenayno buu yiri hadaan nahay dadka Minnesota, waxuu amaanay dadka Minnesota waxuuna faray inay garab u noqdaan dadka Muslimiinta ah ee la dagan.

Dadkii goobta ku sugnaa ayaa loo sharaxay diinta Islaamka waxa ay tahay waxaana casharadii loo jeediyey kadib ay suaalo ka waydiiyeen Sh. Cumar Cabdiraxiim iyo Sh Shugri Soomow oo darsinka bixinaay.

Madaxda kala duwan ee gobolka iyo kuwa xukuma magaalooyinka ay Soomaalidu ka dagan yihiin Minnesota ayaa garab istaag xoogle mar walba u muujiya muslimiinta dagan Minnesota cod dheerna ku sheega inay horumar wayn gobolka ku soo kordhiyeen.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

FAAH FAAHIN DHEERAD AH:.Askar lagu dilay Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool

August, 18, 2017
Laba Askari oo booliis ah kana mid ahaa ilaalada goob laga qaadanayay kaadhadhka doorashada somaliland ayaa  lagu dilay ...

Dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti Oo ka wada hadlay hormarinta isgaarsiinta

August, 18, 2017
Wasiirka Wasaaradda Boostada, Isgaarsiinta iyo Tiknolojoyadda dalka Soomaaliya Eng. Cabdi Cashur Xasan oo maalmihii la soo dhaafay ku ...

Kulamo Xal Loogu Raadinayo Xiisada Maamulka Hirshabeelle Oo Manta Jowhar Biloowday.

August, 18, 2017
Magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe maanta waxaa ka dhacaya kulamo gaar gaar ah oo looga hadlayo ...

Maxaadna Ogeeyn Oo Ka Jiro Deegaanka Xeraale Manta?

August, 18, 2017
Degaanka Xeraale oo maalmihii la soo dhaafay xaaladiisa ay aheyd mid degan ayaa shalay gelinkii dambe waxa uu ...

Mareykanka oo ka hadlay go’aankii ay qaateen Mucaaradka Kenya

August, 18, 2017
Dowlada Mareykanka ayaa soo dhaweysay go,aanka isbaheysiga Mucaaradka Kenya ee Nasa ay qaateen oo ah in Maxkamada Sare ...

Zambia oo bukaanada lagu amray baaritaanka HIV

August, 18, 2017
Wasiirka caafimaadka ee dalka Zambia ayaa ku hanjabay inuu xiri doono xarumaha caafimaad ee gaarka loo leeyahay ee ...

Maraykanka oo markale u digay Kuuriyada Waqooyi

August, 18, 2017
Xoghayaha gaashaandhigga ee Maraykanka, James Mattis, ayaa uga digay Kuuriyada Waqooyi inay cawaaqib xun la kulmi doonto haddii ...