Friday, April 20th, 2018
Advertisements
Advertisements

{DAAWO SAWIRADA} Magalada Beydhabo Oo Lagu Soo Bandhigay Ragii Dilay Sheekh Maxamed Deyr

Published on June 17, 2017 by   ·   No Comments

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa maanta Magaalada Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulkaas kusoo bandhigay 3-nin oo la sheegay ay ka dambeeyeen dil dhawaan Xaafadda towfiiq loogu geystay mid kamid ahaa Ergadii Xildhibaanada kusoo dooratay magaaladaas.

Marxuum Sheekh Maxamed Deyr ayaa la dilay xili uu ku jirey Masaajid ku yaala Xaafada Towfiiq ee Magaalada Baydhabo.

Howlgal ay si wadajir ah u sameeyeen Ciidamada Booliska gaarka ah ee Koonfur Galbeed Soomaliya iyo Nabad Sugida Dowladd goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa lagu soo qabtay ragaan 3-da ah ee la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka marxuum Sheekh Maxamed Deyr, oo ka mid ahaa Ergadii Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya ku soo dooratay magaalada Baydhabo.

Goobta lagu soo bandhigay Ragaan dilka geystay  ayaa waxaa ku sugnaa Xasan Xuseen (Xasan Eeleey) Wasiirka hub ka dhigista iyo dhaqan celinta Maleeshiyada ee Maamulka Koonfur galbeed, wuxuuna sheegay in howlgal qorshaysan ragaan lagu soo qabtay dhawaana Maxkamadda lasoo taagi doono.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Maamulka Gobolka Banaadir Oo Qorsheynaa In Uu Canshuur Ka qaado Xaafada Muqdisho

April, 20, 2018
Maamulka Gobolka Banaadir ayaa wada dadaaladii ugu danbeysay ee loogu jiro sidii loo bilaabi lahaa Canshuur uruurin ku ...

Madaxweynaha Koofur Afrika oo soo gaabiyay safar uu dalka uga maqnaa

April, 20, 2018
Madaxweynaha dalka Koonfur Afrika, Cyril Ramaphosa ayaa dib ogu laabtay dalkiisa, soona gabagabeeyay safar uu ku joogay magaalada ...