Sunday, June 25th, 2017
Advertisements
Advertisements

{DAAWO SAWIRADA} Somali Media Association SOMA oo soo xirtay Tababarkii Wax soo saarka Raadiyaha

Published on June 19, 2017 by   ·   No Comments

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya waxaa xalay lagu soo xiray Tababarkii ku saabsanaa wax soo saarka Raadiyaha (Barnaamijka Wadaagga), kaasi oo uu soo qaban qaabiyay Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed (Somali Media Association SOMA) oo ah Urur ay ku mideysan yihiin Qaybaha kala duwan ee Warbaahinta.

Tababarkan oo socday mudo Saddex maalmood ah ayaa waxaa ka qeyb galay Wariyeyaal ka kala yimid 20 Idaacadood oo ku kala yaalla magaalooyinka Muqdisho, Garowe, Kismaayo, Gaalkacyo, Guriceel, Cadaado, Beledweyn, Baydhabo, Jowhar iyo Afgooye.

Munaasabad lagu soo xirayay Tababarkan oo Afur iyo Casho sharaf lagu sameeyay ayaa waxaa ka soo qeyb galay Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Sheekh Yuusuf (Al-cadaala), Agaasimaha TV-ga Qaranka Liibaan Cabdi Cali, Qaar ka tirsan Agaasimeyaasha Idaacadaha Muqdisho ku yaalla, Madax ka socotay SOMA, Wariyeyaal iyo marti sharaf kale.

Xoghaya Guud ee Ururka Warbaahinta Soomaaliyeed (Somali Media Association SOMA) Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo hordhac ka bixiyay ururka SOMA ayaa sheegay in SOMA la aas aasay 2013-kii, ayna ku mideysan yihiin ilaa 40 Idaacadood oo ku yaalla guud ahaan dalka Soomaaliya, waxaana ujeedada loo aas aasay ay aheyd in la sameeyo urur ay ku mideysan yihiin warbaahinta madaxa banaan, kana shaqeynaya danta iyo hormarka shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay ururkan sanadkii 2016-kii in uu bilaabay Barnaamij gaar ah oo wadaag ah, kaasi oo loogu tala galay in Idaacadaha ku mideysan SOMA ay wadaagaan xogaha iyo warbixinada, islamarkaana ay u gudbiyaan bulshada inteeda kale.

Ismaaciil Sheekh Khaliifa Xoghaya SOMA ayaa sidoo kale sheegay Idaacadaha ku mideysan SOMA go’aankooda in uu yahay ka shaqeynta hormarka dadka iyo dalka iyo in dadka wax lagu soo kordhiyo, ayna yihiin warbaahin wax dhista ee aan ka shaqeyn dhibaatada.

Agaasimaha TV-ga Qaranka Liibaan Cabdi Cali oo isna kulanka ka halday ayaa Wariyeyaasha ugu hambalyeeyay Tababarkan ay qaateen, wuxuuna sheegay in uu u rajeynayo guul iyo hormar.

C/raxmaan Sheekh Yuusuf (Al-cadaala) Agaasimaha Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo kulanka soo xiray ayaa SOMA ku amaanay shaqada ay wadaan, wuxuuna ku dhiirageliyay in ay sii wadaan, si ay hormaro kale ugu talaabsadaan.

Sidoo kale Agaasime Al-cadaala ayaa sheegay bisha July ee sanadkan dhamaadkeeda in magaalada Garowe ay ku qaban doonaan Tababar weyn oo ay ka qeyb gali doonaan warbaahinta Soomaaliyeed oo dhan, kadibna laba bilood kasta kadib magaalooyinka maamul goboleedyada ay ku qaban doonaan Tababaro.

Ugu dambeyntii Wariyeyaashii ka qeyb galay Tababarkan ay qabatay SOMA ayaa waxaa la gudoonsiiyay shahaadooyin muujinaya in ay aqoon ka kororsadeen mudadii uu socday Tababarkan.




Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA}Madaxweyne Farmaajo & Madax kale Oo Shacabka Kula Dukaday Masjidka Isbaheysiga

June, 25, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa maanta salaada ciida kula tukaday boqolaal qof masaajidka isbahaysiga ...

Madaxweyne Farmaajo Oo Khudbad Xaasi Ah Ka Jeediyay Munasabada Ciida Kadidb

June, 25, 2017
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa maanta Khudbad Xasaasi ah ujeediyay shacabka Soomaaliyeed xili uu salaadii Ciida kula dukaday Masjidka ...

Maamulka Jubaland Oo Munaasibadda Ciidda Awgeed Cafis U Fidisay 105 Maxaabiis

June, 25, 2017
Madaxwayne ku xigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubaland Mudane Max'uud Sayid Aadan oo hambalyo u diray guud ahaan ...

{DAAWO SAWIRADA}C\Wali Cali Gaas Oo Shacabka Reer Garoowe Goob Fagaare Ah Kula Tukaday Salaadda Ciidda

June, 25, 2017
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Dr. C/weli Max'ed Cali Gaas ku xigeenkiisa iyo xubno ka tirsan labada gole ee ...

Adeegga Internetka Oo Ka Maqan Caasimadda Iyo Qeybo Ka Tirsan Gobollada Dalka

June, 25, 2017
Adeegga internetka ayaa ka maqan magaalada Muqdisho iyo qeybo ka tirsan gobollada dalka, ayadoo arintan ay saameyn ku ...

Wasiirka Arrimaha Dibbadda Somalia Oo Ka hadlay Saldhiga Ay Turkiga Ka Furaneyso Somalia

June, 25, 2017
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Amaanay xarunta Tabarka Military ee Turkigu uu ka Furanayo Dalka Somaaliya, taas oo ...

Raysul wasaare Dowlada Somaliya Oo Ciidda Ugu Hambalyeeyay Shacabka Soomaaliyeed,

June, 25, 2017
Raysul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa bulshaweynta Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasibadda ciidda barakeeysan ee ...