Monday, December 11th, 2017
Advertisements
Advertisements

{DAAWO SAWIRRADA} Ciidamada Ciraaq oo la wareegay Marin muhiim ah

Published on June 17, 2017 by   ·   No Comments

Ciidamada Ciraaq ayaa ka qabsaday Kooxda Daacish marin muhiim ah oo ku yaal xaduudka ay wadaagaan wadamada ciraaq iyo Syria.

Dowladda ciraaq  ayaana sheegtay in ay la wareegeen degaanka Al-waleed oo  ku yaal xadka ay wadaagaan laba dal.

Horay ayey aheyd markii dowladda Syria iyo xulafadeeda ay kooxda Daacish ay kala wareegeen degaano dhaca dhinaca xaduuda ay la wadaagaan ciraaq.

Degaanka Al-waleed ayaa udhaw Al-tanf oo dhaca xaduuda ay labada wadan wadaagaan.taasi oo fure muhiim ah u ah wadada isku xirto magaalooyinka Baghdad iyo Damascus sidoo kale waxa uu isku xiraa wado weyn ee udhaxayso magaalooyinka Baghdad iyo Amman.

Daacish ayaa gacanta waxa ay ku dhigeen degaanka Al-waleed bishii May sanadkii 2015 tii ka dib dagaal muddo sanad socday oo dhiig badan ku daatay oo ay kula galeen ciidamada Ciraaq

Dhanka kale ciidamada dalka Syria ayaa horumar waxa ay ka sameenayaan dagaalka ay kula jiraan kooxda Daacish ee ka soconaayo degaanka Al-tanf

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

DAAWO: Wariyaal Lagu Xiray Somaliland Iyo Ururka SOLJA Oo Si Kulul Ugu Hadlay

December, 10, 2017
Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA ayaa si kulul ugu hadlay Dacwadaha ka dhanka ah qaar kamid ah Suxufiyiinta Somaliland ...

Turkiga Oo Hotaal Cusub Kadhisaya Elaboorka Muqdisho

December, 10, 2017
Turkiga Oo Hotaal Cusub Kadhisaya Elaboorka Muqdisho