Sunday, June 25th, 2017
Advertisements
Advertisements

{DAAWO SAWIRRADA} Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mr Kheyre oo booqday Isbitaal Dhaawacyo ku jiraan

Published on June 17, 2017 by   ·   No Comments

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre oo weheliyo Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah mudane Jamaal Xasan ayaa booqday qaar kamid ah dhaawacyadii ay wax yeeladu ka soo gaartay weeararkii ugu danbeeyey ee Al-Shabaab ay ka geysteen Caasimadda iyo qaar kale oo dhaawacyo daran ay ku soo gaareen gobollada dalka, wuxuna Alle uga baryey in uu siiyo caafimaad sareeca intii dhimatayna Naxariistiisa Janno uu ka waraabiyo, isagoona cadeeyey in Soomaaliya ay ku jirto xaalad dagaal oo u baahan in iskaashi guud laga yeesho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku soo wareegay qeybaha kala duwan ee ay yaalaan dhaawacyada, wuxuna gaar siiyey deeq, isagoona u sheegay dadkii dhibaatadu soo gaartay in dawladdu ay garab taagan tahay isla markaana aan laga hari doonin kuwii wax yeelada u geystay.

“Runtii dadkan waxaa dhibaateeyey gacan ka xaq daran, mana jirto wax dembi ah oo ay galeen, dawladduna waxay ku howlan tahay sidii dalka looga sifeyn lahaa argagixisada” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

“Ka sakow dadka dhaawacayadu ka soo gaareen weerarkii Maqaayadda Pizza House ee halkan yaala, waxaa jira kuwa qaba dhaawacyo daran oo ku jira Isbitaalka oo uu kamid yahay wiil 10 jira ah oo xabad ku dhufteen kuwa arxan daran isagoo ciyaaraya banooni magaalada Beledweyne, dhacdooyinkaas xanuunka badan waxay muujinayaan khatarta uu leeyahay hubka nuuc yadiisa kala duwan ee ku baahsan dalkeena, waana qeyb kamid ah qorshaheena an ku ciribtirayno hubka ku jira gacmaha dadka aan mudnayn”ayuu yiri R/Wasaare Xasan Kheyre.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA}Madaxweyne Farmaajo & Madax kale Oo Shacabka Kula Dukaday Masjidka Isbaheysiga

June, 25, 2017
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa maanta salaada ciida kula tukaday boqolaal qof masaajidka isbahaysiga ...

Madaxweyne Farmaajo Oo Khudbad Xaasi Ah Ka Jeediyay Munasabada Ciida Kadidb

June, 25, 2017
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya ayaa maanta Khudbad Xasaasi ah ujeediyay shacabka Soomaaliyeed xili uu salaadii Ciida kula dukaday Masjidka ...

Maamulka Jubaland Oo Munaasibadda Ciidda Awgeed Cafis U Fidisay 105 Maxaabiis

June, 25, 2017
Madaxwayne ku xigeenka 1-aad ee dowlad goboleedka Jubaland Mudane Max'uud Sayid Aadan oo hambalyo u diray guud ahaan ...

{DAAWO SAWIRADA}C\Wali Cali Gaas Oo Shacabka Reer Garoowe Goob Fagaare Ah Kula Tukaday Salaadda Ciidda

June, 25, 2017
Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland Dr. C/weli Max'ed Cali Gaas ku xigeenkiisa iyo xubno ka tirsan labada gole ee ...

Adeegga Internetka Oo Ka Maqan Caasimadda Iyo Qeybo Ka Tirsan Gobollada Dalka

June, 25, 2017
Adeegga internetka ayaa ka maqan magaalada Muqdisho iyo qeybo ka tirsan gobollada dalka, ayadoo arintan ay saameyn ku ...

Wasiirka Arrimaha Dibbadda Somalia Oo Ka hadlay Saldhiga Ay Turkiga Ka Furaneyso Somalia

June, 25, 2017
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa Amaanay xarunta Tabarka Military ee Turkigu uu ka Furanayo Dalka Somaaliya, taas oo ...

Raysul wasaare Dowlada Somaliya Oo Ciidda Ugu Hambalyeeyay Shacabka Soomaaliyeed,

June, 25, 2017
Raysul wasaaraha dowladda federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre ayaa bulshaweynta Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay munaasibadda ciidda barakeeysan ee ...