Saturday, November 18th, 2017
Advertisements
Advertisements

Frank Lampard Oo Kula Taliyay Chelsea Weeraryahan Ay Tahay Inay Ku Bedelaan Diego Costa

Published on June 26, 2017 by   ·   No Comments

Frank Lampard ayaa ku taageeray kooxdiisa hore ee Chelsea inay dib u la soo wareegto weeraryahanka Everton Romelu Lukaku, haddii Diego Costa uu baxo xagaagan.

Weeraryahanka reer Belgium ayaa si weyn loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Stamford Bridge, waxaana uu si cad u sheegay inuu jecel yahay inuu ka tago Everton.

Lukaku ayaa seddex xilli ciyaareed Blues kula qaatay halyeeyga Chelsea Lampard taasoo fashil ku dhamaatay, laakiin xiddigii hore ee England ayaa la dhacay howlkarnimada weeraryahanka.

Sida uu sheegay Lampard, 24 sanno jirkaan ayaa dadaalkiisa tababarka waxa uu ahaa mid lala dhaco.

“Wixii uu sameeyay gaar ahaan xilli ciyaareedkii hore, laakiin sidoo kalena labadii ama seddexdii sanno ugu danbeysay horumar badan ayuu sameeyay.

“Waxaan u maleynayaa in Chelsea ay u iibsatay ciyaaryahan da’ yar ahaan. Inay malaha aheyd xilli hore ama inaan la siinin fursad ku filan ma garanayo. Laakiin waxaan jeclahay dabeecadiisa, waxaan jeclahay qaabka uu u ciyaaro, waa nin heelan.

“Waxaan xusuustaa tababarkii aan la qaatay, waxaana uu tababar ku sameynayay darbooyinkiisa, waxa uu isku dayayay inuu goolal ku dhaliyo tababarka maalin walba.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

WAR DEG DEG AH-:Xildhibaanada Golaha Shacabka oo isku raacay in Sharci Darro tahay dhiibistii Qalbi dhagax.

November, 18, 2017
Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo xiligaan ka socda Xarunta Golaha Shacabka ayaa warbixin ka dhageestay guddigii loo ...

{Akhriso} Qodobada Ay Isku Afgarteen Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Hogaanka Xisbiga WADDANI.

November, 18, 2017
Kulankii ay manta  yeesheen komishanka Doorashooyinka qaranka iyo hogaanka xisbiga WADDANI ayaa ku soo dhamaaday is afgarad buuxa. ...