Sunday, July 23rd, 2017
Advertisements
Advertisements

{HORDHAC}Germany vs Mexico Wax Walba Oo Ku Saabsan Kulanka Muhiimka Ah Ee Caawa Ka Dhici Doona Sochi

Published on June 29, 2017 by   ·   No Comments

Xula difaacanaya koobka Aduunka iyo xulka difaacanaya koobka qaramada qaaradda waqooyiga America ayaa is wajahi doona caawa waana kulan xiiso badan oo aad loo wada sugayo iyadoo mid walba ay ku dadaali doonto iney tiigsato final-ka tartanka.

Mexico waxey kusoo baxeen kaalinta labaad groupka A halka Germany ay kusoo baxeen kaalinta 1-aad groupka B taasoo ka dhigan iney isku beegmeen.

Tababare Joachim Low wuxuu ka reebay xulkiisa inta badan ciyaartoydii muhiimka aheyd ee kusoo guuleystay koobkii Aduunka 2014, waxaana hogaamiye u ah xulkiisa ku sugan Russia Julian Draxler oo ka tirsan Paris Saint Germain ahna kan ugu safashada badan qaranka.

Si kastaba xulka horyaalka aduunka ah waxey muujiyeen awood dheeri ah waxeyna 7-dhibcood kaga soo baxeen group-kooda walow ay si dirqi ah kaga fakadeen Australia sidoo kalana ay barbaro la galeen Chile.

Mexico waxey meel iska saareen Portugal kulan 2-2 ku dhamaaday markaas oo ay waqtiyadii ugu dambeeyay ciyaarta heleen goolka barbardhaca.

WARBIXINTA KULANKA:

Kulanka: Germany vs Mexico

Tartanka: Confederation Cup 2017

Wareegga: Semi Final

Garoonka: Fisht Olympic Stadium

Saacadda: 9:00 Habeenimo (XGA)

MAXAA KA CUSUB LABADA XUL?

Lama oga waxa uu sameyn doono tababaraha qaranka German marka la eego shaxdiisa, madama uu siyaabo kala duwan u kala badalay intii lagu jiray wareega group-ka.

Timo Werner kaliya ayaa la filayaa inuu hubanti u yahay booskiisa kaas oo weerarka hore ka ciyara, sidoo kalana Shkodran Mustafi ayaa dib ugu soo laaban kara qaranka Germany.

Dhanka kale Mexico waxey dib u heli kartaa Javier Hernandez oo dhibaato yar ay soo gaartay bale loo maleynayo inuu taam noqon karo caawa. Andres Guardado ayaa ganaax kaga maqan, halka Diego Reyes isna shaki la galinayo madama uu dhaawacmay ciyaartii Russia.

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankii ugu dambeeyay labadaan xul dhexmara wuxuu ahaa Confederation Cup 2005 markaas Jarmalka ay ku adkaadeen 4-3, waxeyna guul ku gaareen gool uu waqtigii dheeriga ahaa dhaliyay Michael Ballack.

Germany iyo Mexico afar jeer ayey horay u kulmeen sida ay xustay taariikhda, balse qaranka Mexico wali guul ma gaarin.

SHAXDA MACQUULKA AH:

Germany: ter Stegen; Ginter, Mustafi, Rudiger; Kimmich, Goretzka, Can, Hector; Stindl, Draxler; Werner.

Mexico: Ochoa; Layun, Araujo, Moreno, Alanis; dos Santos, Herrera, Reyes; Jimenez, Hernandez, Vela.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Dowladda oo War kasoo saartay Maxaabiistii laga soo celiyay Itoobiya

July, 23, 2017
Ugu Yaraan hal qof ayaa ku dhintay ka dib markii Konteenar saarnaa Markabka ay dejinaayay Shaqaalaha dekedda Magaalada ...

Shaqaale ku dhintay Kunteenar ku dala dhacay Dakada Muqdisho

July, 23, 2017
Ugu Yaraan hal qof ayaa ku dhintay ka dib markii Konteenar saarnaa Markabka ay dejinaayay Shaqaalaha dekedda Magaalada ...

Xildhibaan Mahad Salaad“Dalkaan laguma maamuli karo Wareegto iyo War saxaafadeed”

July, 23, 2017
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa si adag uga fal celiyay go’aanada ay soo saaraan hey’adaha amniga dalka, isagoo ...

Wasiir Xoosh oo Ka hadlay Go aankii Ay Ka qaateen Baarlamaanka 8-dii Xildhibaan Oo Doorashadooda Muran Kajirtay

July, 23, 2017
Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in baarlamaanka aysan awood u laheyn inay jabiyaan go’aankii ay ...

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Cosoble Oo So gabagabeyay Tartan Kubada Cagta Oo Baladweyne Ka socday

July, 23, 2017
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa manta ka qeeyb galay Ciyaartii ugu danbeeysay ee lagu soo ...

Nabad Sugidda Soomaaliya oo saraakiil Al-shabab ka tirsan ku qabatay Magaalada Gaalkacyo

July, 23, 2017
Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa howlgal ay ka fuliyeen Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxaa ay ku ...

Al-shabaab oo Odayaasha Gobolka Sh/hoose kaarar aqoonsi ah u sameeyay

July, 23, 2017
Xarakada Al-shabaab ayaa Odayaasha Gobolka Shabeellaha hoose u qabatay Dowro ama Siminaar lagu barayay kutubta qaar,waxaana Odayaasha oo ...