Monday, February 19th, 2018
Advertisements
Advertisements

Intee Ku Danbeeyeen Wada Hadalada Ahlu-Suno .Galmudug Iyo Xaaf Oo Ka Hadlay?

Published on June 19, 2017 by   ·   No Comments

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf,ayaa sheegay in maamulkiisa Galmudug iyo Maamulka Ahlu Sunna ay u socdaanw adahadallo hoose oo lagu doonayo in lagu dhameeyo khilaafka maamulka iyo Siyaasadda ah ee u dhaxeeya labad dhinac.

Xaaf,ayaa sheegay in Maamulkiisa uu rajo wanaagsan ka qabo in sida ugu dhaqsiyaha badan uu ku soo dhamaado wadahadallada labada dhinac oo uu sheegay in ay yihiin dad ehel iyo Qaraabo ah.

Madaxweynaha Galmudug ayaa markii la doortay ballan qaaday in uu miiska la fariisanayo maamulka Ahlu Sunna oo ka taliya magaalooyin ka mid ah Degaannada Galmudug oo ay ka mid tahay xarunta maamulkaas ee Dhuusamareeb.

Dhanka kale waxaa uu ka hadlay halka ay marayaan Wadahadallada Puntland iyo Galmudug gaar ahaa dadkii reer miyiga ahaa ee isku heystay daaqa islamarkaana dad isaga dilay.

Waxaa uu arrintaas ka yiri” howshaas waan dhameynay waxaan ku heshiinnay in la wada daaqo,waxaana u dirnay Ciidan iyo Odayaal dhex jooga labada dhinac oo labada dhan ka kala socda”

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA} Duqa Muqdisho iyo Ganacsatada oo ka wada hadlay cabashooyinka jira

February, 19, 2018
Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) ayaa kulan la yeeshay Guddiga Ganacsatada ...

Xukuumadda Somaliya Oo Amartay In La Xiro Dad Ka Ganacsada Cunnooyinka Gargaarka

February, 18, 2018
War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Saraakiisha Wasaaradaas ay ...