Ka Hor Kulanka Portugal Vs Chile Vidal Oo Weerar Culus Ku Qaaday Cristiano

0
1

Xidiga xulka qaranka Chile iyo kooxda Bayern Munich ee Arturo Vidal ayaa dabka ku sii shiday kulanka adag ee Portugal iyo Chile ku dhex mari doona afar dhamaadka FIFA Confederations Cupka kadib markii uu weerar culus ku qaaday Cristiano Ronaldo.

Xulka qaranka Chile ayaa xalay boos ka helay afar dhamaadka Confederations Cupka kadib markii ay barbaro la soo galeen Australia halka Portugal uu si rooxo leh ugu soo baxay wareegan iyaga oo guul wayn ka soo gadhay xulka qaranka New Zealand waxayna ku balansan yihiin afar dhamaadka tartankan.

Cristinao Ronaldo ayaa laba gool soo dhaliyay saddexdii kulan ee uu qarankiisa uga soo ciyaaray Confederations Cupka wuxuuna sidoo kale soo caawiyay hal gool laakiin Vidal ayaa sheegay in Ronaldo uu yahay dameer qurux badan oo aan ahayn wax jira.

Cristiano Ronaldo iyo Arturo Vidal ayaa dhamaadkii xili ciyaareed soo idlaaday isku arkay afar dhamaadkii Champions Leaque-ga iyada oo waliba Vidal kaadhka cas la siiyay kulankii Bernabue ee lugtii labaad ee Champoins Leaque-ga.

Wuxuuna markaas si wayn u weeraray Real Madrid isaga oo ka cadhooday casaankii la siiyay goolashii uu Ronaldo dhaliyay oo uu ku tilmamaay ku offside ahaa wuxuuna markaas ka sameeyay sawir uu ku cadaynayay.

Arduro Vidal ayaa hadalo kooban ku sheegay erayo uu qaab aflagaado ah u dhigay iyo waliba saadaasha finalka Confederations Cupka wuxuuna yidhi: “Cristiano waa dameer qurux badan, aniga ahaan isagu wax jira ma aha.Haddaba waxaan xidga aanu Bayern Munich isku nahay ee Joshua Kimmich aan u sheegay in aanu markale isku arki doono finalka”.

Arturo Vidal ayaa saadaaliyay in xulka qarankiisa Chile iyo Germany ay iskugu iman doonaan finalka Confederations Cupka oo ay xidiga Bayern Munich iyo xulka qaranka Germany ee Joshua Kimmich ay finalka isku arki doonaan balse kulanka Portugal iyo Chile ayaa noqon doona kulankii ugu xiisaha badnaa ee tartankan laga ciyaari doono.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here