Saturday, September 23rd, 2017
Advertisements
Advertisements

Lionel Messi oo maanta Aroosaya

Published on June 30, 2017 by   ·   No Comments

Ciyaaryahanka caanka ah ee Lionel Messi ayaa guursanaya gabadh ay yaraantiisii isku jeclaadeen dalka Argentine, maanta oo jimce ah.
Ciyaaryahankan u dheela kooxda Barcelona ayaa ku laabanaya magaalada Rosario si uu u guursado Antonella Roccuzzo, halkaas oo uu kula kulmay isaga oo 13 jir ah, ka hor intii uusan Spain u soo wareegin.
Wargayska Argentine ka soo baxa ee Clarín ayaa arooskan ugu yeeray “arooskii sannadka” iyo waliba arooskii qarniga”.
Ciyaartoy ay isku koox ka dheelaan Messi oo ay ka mid yihiin Luis Suárez iyo Neymar ayaa ka mid noqon doona 260 ruux oo marti sharaf ka noqondoona arrooskaas.
Qaar badan oo dadkaas ka mid ah diyaarado khaas ah ayay ku safreen.
Booliis dheeri ah ayaa la hawlgaliyay si ay u sugaan ammaanka agagaarka uu hoteelku ku yaallo, halka shirkad ammaanka ka shaqaysa oo gaar ah ay ka hawlgali doonto gudaha huteelka si ay uga hor tagaan in ay dad xoog ku soo dhaafaan albaabka.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

{DAAWO SAWIRADA}Madaxweyne Waare Oo Beledweyne Kulan Kula Qaatay Saraakiil Ka Tirsan UN-ka

September, 22, 2017
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta Magaalada Beledweyne kulan kula qaatay Saraakiisha UN-ka ee ...

Madaxweyne Waare Oo Ka Tacsiyeeyay Geerida Ku Timid Guddoomiye Ku Xigeenki Beledweyne Bashiir Dhoore

September, 22, 2017
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyeeyay geerida xalay ku timid Bashiir Xusseen Dhoore ...

{DHAGEEYSO} Madaxweynaha Hirshabeelle oo ka Hadlay Xiisada Udhaxeeyso Wadamada Carabta Iyo Gu’aanka Hirshabeelle

September, 22, 2017
Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi waare ayaa Ka hadlay Xiisada udhaxeeyso Xulufada Sucuudiga oo Hogaaminayo iyo Dowlada Qatar ...

Madaxweyne Xaaf “Uma dulqaadan doono faragelinta Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha”

September, 22, 2017
Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa mar kale ku celiyay mowqifkiisa ku aadan go’aanka ay ka qaateen khilaafka Khaliijka ee ...

Duufaanta Maria oo shan iyo toban qof ku dishay jasiiradaha Caribbean-ka

September, 22, 2017
Ugu yaraan 15 qof ayaa ku dhintay labaatan qof oo kalena waa la la'yahay jasiiradaha Dominica ka dib ...

Doorashada Kenya oo dib loo dhigay Kadib Markii la sheegey in ay Jirto….

September, 22, 2017
Waxaa dib loo dhigay doorashada dalka Kenya oo hadda la qaban doono 26-ka bisha soo socota ee Octobar.Waxayna ...

{DAAWO SAWIRADA} Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo kulan la Qaatay Wasiirka Arrimaha Dibedda Shiinaha

September, 22, 2017
Mudane Xasan Cali Khayre Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya  ayaa magaalada New York kulan kula yeeshay Wasiirka Arrimaha ...