Friday, August 18th, 2017
Advertisements
Advertisements

Norway oo aqoonsatay Baasaboorka Soomaaliga iyo Agaasime Koofi oo soo dhoweeyay

Published on June 18, 2017 by   ·   No Comments

Dowladda Norwey ayaa ku dhawaaqday in ay aqoonsatay Baasaboorka Soomaaliga ah, gaar ahaan midka Diblomaasiga ah oo ay qaataan Madaxda Dowlada iyo Siyaasiyiinta, iyadoo tallaabadan uu soo dhoweeyay Agaasimaha Guud ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Dhamaadkii sanadkan ayaa waxaa ay dowlada Norwey Soomaliya u soo direysa quburo heer caalami ah oo arko doona habka lagu bixiyo Basaboorka Shaqaalaha ee ( Service Passport ) iyo basaboorka shacabka ay qataan si ay dowlada norwey iagana u aqoonsato oo ay muwaadiniinta Soomaliyeed dal-ku galka ugu siiso.

Agaasimaha guud Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaliya G/sare Maxamed Aadan Koofi ayaa muddooyinki u dambeeyay waxa uu safaro ku tagay qaar ka mid ah dalalka reer yurub oo uu kala hadlayay sidii ay u aqoosan lahayeen baasaboorka Soomaaliga ah.

Sidoo kale Agaasimaha Guud ayaa madaxda dowlada iyo dhamaan Soomalida heysta Basaboorada Shisheeye ka codsatay in ay ku safraan basaboorka Soomaaliga marka ay ku baxayaan magaca Soomaaliya ayna ka qeyb galayaan Shirarka Caalamka.

Tan iyo markii uu G/sare Koofi uu qabtay Agaasimaha cusub ee Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya waxaa uu howlaha shaqo ee hey’adda ku sameeyay horumar iyo dardar gelin, iyadoo hey’adda ay xilligan u howl gasho qaababka ay u howl galaan hey’adaha socdaalka adduunka.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Oo Deg Deg Muqdisho looga Yeeray,

August, 18, 2017
Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle Sheekh Cusmaan Barre ayaa gelinkii dambe ee maanta safar deg deg ah ku aaday magaalada ...

Al.shabaab oo dad ku dilay Degmada lamuu Ee Dalka Kenya

August, 18, 2017
Wararka ka imanaya deegaanka lagu magacaabo Maleli oo ka tirsan degmada Lamu dalka Kenya, ayaa sheegaya in Al-shabaab ...

Madaxweynaha G/galbeed oo Sheegay in amaanka wax laga badalay

August, 18, 2017
Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in ay isku xiran yihiin ammaanka iyo dhaqaalaha, ...

Madaxweyne Gaas Oo gaaray Dalka sacuudiga

August, 18, 2017
Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa xalay gaaray magaalada Jeddah dalka Boqortooyada Sacuudi Carabiya, maalin un ...

Faahfaahin ka soo baxaysa dagaal shalay ka dhacay deegaanka Xeraale

August, 18, 2017
Waxaa soo baxay faahfaahin ku saabsan qasaaraha ka dhashay dagaal shalay markale ku dhex maray deegaanka Xeraale maleeshiyo ...

{DHAGEYSO} Barnaamijka waxbarashada Ee Radio Hiranweyn Magaalada Baladweyne

August, 18, 2017
Dhageysatayaasha  sharafta leh ee  Radio Hiranweyn ee Magaalada Baledweyne, Ee ku xiran Webkeena Www.hiiraanweyn.net ama hiranweyn.com, Waxaan idin soo gudbineyna Barnaamijka ...

FAAH FAAHIN DHEERAD AH:.Askar lagu dilay Magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool

August, 18, 2017
Laba Askari oo booliis ah kana mid ahaa ilaalada goob laga qaadanayay kaadhadhka doorashada somaliland ayaa  lagu dilay ...