Sunday, July 23rd, 2017
Advertisements
Advertisements

Real Madrid Oo Weyn Doonta Mid Ka Mid Ah Xidigaha BBC Hadii Ay Lasoo Saxiixato Kylian Mbappe

Published on June 29, 2017 by   ·   No Comments

Real Madrid ayaa weyn doonta mid ka mid ah xidigaha BBC ee dhanka weerarka hadii ay lasoo saxiixdaan da’yarka reer France Kylian Mbappe sida ay sheegayan warbixino ka imaanaya Spain.

18-jirka As Monaco weerarka kaga ciyaara waxaa si ba’an loola xiriirinayaa kooxo dhawr ah oo ka dhisan qaaradda yurub gaar ahaan Real Madrid, balse Don Balon ayaa sheegeysa in Los Blancos uu isaga tagi doono Karim Benzema kaas oo dhibane u noqon kara wiilka ay dhalashada wadaagaan.

Kylian Mbappe waa da’yar si weyn u caawiyay Monaco kaas oo 17-sano kadib u suuragaliyay iney hantaan horyaalka faransiiska sidoo kalana ka caawiyay iney gaarto afar dhamaadka Champions League.

In ka badan 100 Malyan oo Euro ayuu ku imaan doonaa garoonka Santiago Bernabeu hadii ay Los Blancos si geesinimo leh ugu dhaqaaqdo, balse Benzema wuxuu diyaar u yahay inuu faarujiyo 8-sano kadib caasimadda.

Cristiano Ronaldo ayaa lala xiriirinayaa inuu isaga tagi doono Real Madrid madama uu ka carooday sida ay ula dhaqmeen waaxda canshuuraha Spain kuwaas oo 14.7 Malyan oo Euro lacago ah ku sheegay inuu musuq-maasuqay.

Balse wargeyska reer Spain wuxuu leeyahay cabsida ugu weyn waxey soo wajaheysaa Karim Benzema kaas oo aan dooneyn inuu dhibane u noqdo Mbappe rajana ka leh xulka faransiiska hadii ay soo gaaraan Russia koobka Aduunka 2018.

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Shaqaale ku dhintay Kunteenar ku dala dhacay Dakada Muqdisho

July, 23, 2017
Ugu Yaraan hal qof ayaa ku dhintay ka dib markii Konteenar saarnaa Markabka ay dejinaayay Shaqaalaha dekedda Magaalada ...

Xildhibaan Mahad Salaad“Dalkaan laguma maamuli karo Wareegto iyo War saxaafadeed”

July, 23, 2017
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa si adag uga fal celiyay go’aanada ay soo saaraan hey’adaha amniga dalka, isagoo ...

Wasiir Xoosh oo Ka hadlay Go aankii Ay Ka qaateen Baarlamaanka 8-dii Xildhibaan Oo Doorashadooda Muran Kajirtay

July, 23, 2017
Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in baarlamaanka aysan awood u laheyn inay jabiyaan go’aankii ay ...

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Cosoble Oo So gabagabeyay Tartan Kubada Cagta Oo Baladweyne Ka socday

July, 23, 2017
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa manta ka qeeyb galay Ciyaartii ugu danbeeysay ee lagu soo ...

Nabad Sugidda Soomaaliya oo saraakiil Al-shabab ka tirsan ku qabatay Magaalada Gaalkacyo

July, 23, 2017
Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa howlgal ay ka fuliyeen Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxaa ay ku ...

Al-shabaab oo Odayaasha Gobolka Sh/hoose kaarar aqoonsi ah u sameeyay

July, 23, 2017
Xarakada Al-shabaab ayaa Odayaasha Gobolka Shabeellaha hoose u qabatay Dowro ama Siminaar lagu barayay kutubta qaar,waxaana Odayaasha oo ...

Dowlada Turkiga oo Israel eedeeyn kulul u jeedisay

July, 23, 2017
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku eedeeyey maamulka Israel inuu awood xad dhaafa u adeegsaday isku dhaca ...