WAR DEG DEG: Bartii Twitterka Ee Telefishanka Aljazeera Oo Hawada Laga Saaray

0
3

Waxaa gebi ahaan la joojiyay bartii Telefishanka Aljazeera ku lahayd barta warbaahinta bulshada ee Twitterka.

Bartan oo cinwaankeedu ahaa @AJArabic, ayaa lahay malaayiin ku xiran, lamana shaacin sababta loo xayiray.

Arrintan ayaa la yaab ku noqotay dadka adeegsada baraha bulshada, waxaana warkii ugu horeeyay ee ka soo yeeray agaasimaha guud ee Al-Jazeera Yasir Abuu Hilaala oo caddeeyay in la joojiyay bogga Twitterka rasmiga Al-Jazeera ugu weynaa iyadoo ay shaqeynayaa bogagga yaryar oo la xiriira.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here