Saturday, November 18th, 2017
Advertisements
Advertisements

Wararkii Ugu Dambeeyay Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Maanta Oo Khamiis Ah.

Published on June 29, 2017 by   ·   No Comments

Manchester United ayaa hogaamineysa  loolanka loogu jiro saxiixa 28-jirka reer Chile Alexis Sanchez madama ay isaga baxday tartanka Bayern Munich kadib sare u kacii lagu sameeyay qiimahiisa. (Mirror)

Citizens kalsooni weyn ayey ku qabaan iney Sanchez kula saxiixan doonaan aduun dhan 50 Malyan oo Pound madama xidiga uu doonayo inuu ka hoos ciyaaro Pep Guardiola. (Guardian).

Chelsea ayaa tartan xoog leh oo ku aadan adeega daafaca bidix ee Juventus Alex Sandro kala kulmeysa Paris Saint Geramin, 26-jirkaan waxaa lagu qiimeeyaa aduun dhan 61 Malyan oo Pound. (Daily Mail)

Manchestr United ayaa qarka u saran iney weyso Fabinho, 23-jirkaan heerka caalami wuxuu kusii dhawaanyaa inuu ku biiro Paris Saint Germain. (Daily Record).

Arsenal ayaa ka fakareysa hadii ay dib usoo celineyso xiisaha Riyad Mahrez madama laga soo diiday dalab 30 Malyan oo Pound ah oo ay ka gudbisay Thomas Lemaroo 21-jir ah. (Daily Telegraph)

Chelsea ayaa diyaar u ah iney Zenit St Petersburg ka afduubato 26-jirka daafaca kaga ciyaara Roma Kostas Manolas kadib markii uu hakad ku yimid heshiiskii uu ugu dhaqaaqay kooxda reer Russia. (Daily Telegraph)

Arsenal ayaa xiiseyneysa xidiga khadka dhexeNice jean Michael Seri oo 25-jir ah kadib markii ay Roma isaga hartay loolankiisa markii loo sheegay iney 35 Malyan oo Pound ku jabin karaan heshiiskiisa. (The Sun).

Weeraryahanka Real Madrid Gareth bale oo 27-jir ah ayaa diyaar u ah inuu u dhaqaaqo Manchester United hadiiba uu ka tagayo Santiago Bernabeu. (Daily Star).

Arsenal ayaa ku qasban iney bixiso aduun dhan 57 Malyan oo Pound si ay u hesho 26-jirka Lyon ka tirsan ee Alexandre Lacazette. (London Evening Standard)

Xidiga bartilmaameedka u ah Liverpool Naby Keita ayaa ka dhawaajiyay inuu jeclaan lahaa u ciyaarista kooxaha Barca, Real Madrid & Man City. 22-jirkaan Red Bull Leipzing ka tirsan waxaa laga doonayaa Anfield. (Manchester Evening News).

Daafaca Chelsea Nathan Ake oo 22-jir ah ayaa qarka u saaran inuu lacago rikoor ah ugu wareego Bournemouth waana 20 Mayan oo Pound . (Guardian).

Pierre-Emerick Aubameyang ayaa u muuqda mid kusii jeeda Shiinaha, waxaana la filayaa inuu 70 Malyan oo Pound ugu wareego Tianjin Quanjian. (Daily Star)

Garabka Everton Gerard Deulofeu ayaa iska diiday fursad uu ugu laaban lahaa Barcelona iyadoo Ac Milan & Juventus ay si daran u baadi goobayaan. (Daily Mail)

Ac Milan ayaa dooneysa iney lasoo saxiixato kubad abuuraha Real Madrid Isco Alcaron, balse xidiga reer Spain wuxuu diyaar u yahay inuu mustaqbalkiisa kala xaajoodo maamulka Los Blancos. (Football Italia).

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

WAR DEG DEG AH-:Xildhibaanada Golaha Shacabka oo isku raacay in Sharci Darro tahay dhiibistii Qalbi dhagax.

November, 18, 2017
Kulanka Xildhibaanada Golaha Shacabka Soomaaliya oo xiligaan ka socda Xarunta Golaha Shacabka ayaa warbixin ka dhageestay guddigii loo ...

{Akhriso} Qodobada Ay Isku Afgarteen Komishanka Doorashooyinka Qaranka iyo Hogaanka Xisbiga WADDANI.

November, 18, 2017
Kulankii ay manta  yeesheen komishanka Doorashooyinka qaranka iyo hogaanka xisbiga WADDANI ayaa ku soo dhamaaday is afgarad buuxa. ...