Monday, August 21st, 2017
Advertisements
Advertisements

Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Ciyaartoyda Ee Ay Qoreen Wargeysyada Ingariiska

Published on June 11, 2017 by   ·   No Comments

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa ku darsaday liiskiisa ciyaartoyda uu doonayo xagaagan kubadsameeyaha Real Madrid James Rodriguez.

West Ham United ayaa diyaar u ah inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Arsenal Olivier Giroud.

Real Madrid ayaa isha ku heysa goolhayaha da’da yar ee AC Milan Gianluigi Donnarumma madaama ay ku hungoobeen saxiixa goolhayaha Manchester United David de Gea.

Everton ayaa ku dhow inay 20 milyan ginni kula soo wareegto kabtanka Ajax Davy Klaassen, waxaana ay rajeynayaan inay xiddiga khadka dhexe la wareegaan 10ka maalmood ee soo socda.

Manchester City ayaan dooneynin inay dib u soo cusbooneysiiyaan xiisaha daafaca Southampton Virgil van Dijk, madaama haatan ay Liverpool ka baxday dalabkiisa.

Joe Hart ayaa ka baqaya inaysan cidna la saxiixanin isagoo ka fiirsanaya nolol ka dheer Manchester City xilli ciyaareedka danbe.

SUN ON SUNDAY

Zlatan Ibrahimovic ayaa ku dhow inuu ku biiro kooxda Mareykanka ee LA Galaxy ka dib markii ay iska fasaxday Manchester United.

West Ham ayaa diyaar u ah inay dalab u soo bandhigto goolhayaha Manchester City Joe Hart si uu Premier League uga sii ciyaaro.

Alvaro Morata ayaa u sheegay Gareth Bale inuu kula biiro Manchester United, iyadoo xiddiga Real Madrid uu ku dhow yahay inuu heshiis 64 milyan ginni ugu wareego Red Devils.

Manchester City ayaa diyaar u ah inay Alexis Sanchez ka dhigto xiddiga ugu mushaharka badan taariikhdooda haddii ay kala soo wareegaan Arsenal.

Liverpool ayaa lagu waramayaa inay diyaar la yihiin inay 40 milyan ginni ku dalbadaan xiddiga khadka dhexe ee Arsenal Alex Oxlade-Chamberlain.

Marseille ayaa sarre u qaadeysa xiisahooda xiddiga khadka dhexe ee Tottenham Moussa Sissoko.

Chelsea ayaa ku dhawaaneysa inay heshiis 35 milyan ginni kula wareegto xiddiga khadka dhexe ee Monaco Tiemoue Bakayoko, iyadoo ciyaaryahanka uu u soo safrayo England si uu u dhameystiro heshiiska.

Liverpool ayaa soo bandhigtay xiisaha saxiixa xiddiga Southampton Dusan Tadic, iyagoo raadinaya inay adkeeyaan kooxdooda ka hor ka qeyb qaadashadooda Champions League.
Arsenal ayaa tijaabo adag mareysa iyagoo ceyrsanaya saxiixa xiddiga Monaco Kylian Mbappe xilli sidoo kale lala xiriirinayo.

SUNDAY EXPRESS

AC Milan ayaa ku dhow inay ka baxdo heshiiska Diego Costa madaama uu mushahar qaali ah dalbanayo weeraryahanka Chelsea.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Xildhibaan Qoono “Mowqifka Xukuumadda qaadatay waa mid lagu deg degay oo fudeed ku jiro”

August, 20, 2017
Xildhibaan Maxamed Xasan Qoono oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ayaa dhaliilay mowqifka Xukuumadda Soomaaliya ka qaadatay ...

Al-Shabaab oo si rasmi ah u xaqiijisay geeridii Sheekh Cali Jabal

August, 20, 2017
Xarakada Al-Shabaab ayaa markii uga  horeysay si rasmi ah u xaqiijisay geeridii Sheekh Cali Maxamed Xuseen (Sheekh Cali ...

(Daawo sawirada) Maxay ka wada hadleen madaxweyne Farmaajo iyo Al-sisi

August, 20, 2017
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku sugan magaalada Qaahira ee dalka Masar, halkaas oo ay uga bilaabatay booqasho ...

Lix ruux oo ku dhimatay dagaal ka dhacay duleedka Cadaado

August, 20, 2017
in ka badan lix ruux ayaa ku dhimatay halka tiro ka badan 20 kalan ay ku dhawacmeen kadib ...

Madaxweyne Xaaf oo sheegay in Galmudug ay Difaaceyso Shacabka Reer Xeraale

August, 20, 2017
Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Maanta Magaalada Cadaado kula Shiray Baarlamaanka Maamulka Galmudug,waxaana ay ka wada ...

{DAAWO MUQAALKA} Sida Uu Madaxweyne Cosoble Uga Soo Horjeestay Go aanka Dowlada

August, 20, 2017
Cali Cabdulaahi Cosoble oo ay dhowaan xilka ka qaadeen xildhibaanada baarlamaanka Hirshabelle ayaa sheegay in uusan xoog ku ...

Madaxweyne ku xigeenka Puntland oo Digniin adag u diray Somaliland

August, 20, 2017
Madaxweyne ku xigeenka Puntland C/xakiin Xaaji Cumar Camey ayaa sheegay in Puntland ay ka hortagayso in deeganada lagu ...