Sunday, July 23rd, 2017
Advertisements
Advertisements

WARBIXIN: Min Kevin De Bruyne, Mohamed Salah Ilaa Anthony Martial Iyo 12 Xidig Oo Heer Sarre Ah Oo Uu Jose Mourinho Ku Fashilmay In Uu Tayada Ugu Fiican Ka Soo Saaro.

Published on June 26, 2017 by   ·   No Comments

Tababare Jose Mourinho ayaa soo maamulay ciyaartoy heer caalami ah oo aad u tiro badan kuwaas oo uu kula soo shaqeeyay kooxaha FC Porto, Chelsea, Inter Milan, Real  Madrid iyo Manchester United oo uu hadda ku sugan yahay laakiin waxaa jira liis ciyaartoy ah oo uu Mourinho ku fashilmay in uu ka soo saaro tayadii ugu fiicnayd ee ay qarsoonayd.

Haddaba waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa xidigaha aanu Mourinho ku guulaysan in uu ka soo saaro tayada dhabta ah ee ay leeyihiin kuwaas oo inta ugu badan uu ka saaray kooxihii ay joogeen halka kuwo kale aanu ka helin wixii uu ka doonayay.

Haddaba halkan kaga bogo liiska 20 xidig ee uu Mourinho ku fashilmay in uu ka soo saaro tayada ay leeyihiin iyaga oo qaar badan oo ka mid ahi kooxo kale markii ay u wareegeen si wayn isku muujiyay.

1-Kevin De Bruyne

Kevin De Bruyne ayaa lagu tilmaami karaa xidigii ugu muhiimsanaa ee uu Mourinho sida wayn ugu fashilmay in uu kala soo baxo tayada uu maanta leeyahay. Xidiga ree Belgium ayaa 9 kulan oo kaliya u saftay kooxdii Chelsea ee uu Mourinho maamulayay isaga oo kulankisii ugu horeeyay ku soo bilawday guushii ay Blues 2:0 kaga gaadhay Hull City ee Stamford Brdige.

Laakiin Mourinho ayaa xidiga ree Belgium ee De Bruyne ka caydhiyay Chelsea wuxuuna bishii January 2014 kii uu amaah ugu diray kooxda Werder Bremen halka uu markii danbe si rasmi ah ugu biiray koxoda Wolfsburg waana kooxda sida dhabta ah u soo saartay tayada maanta uu De Bruyne ku cabsi galiyo kooxaha Premier Leaque-ga.

Laakiin Manchester City ayaa ka faa’iidaysatay qaladkii uu Mourinho kooxda Chelsea kaga diray De Bruyne wuxuuna maanta ka mid yahay xidigaha ugu muhiimsan ee safka kooxda Guardiola.

2-Romelu Lukaku

Xidiga labaad ee uu Mourinho ku soo fashilmay in uu tayadiisa banaanka soo dhigo ayaa ah xidig kale oo ree Belgium ah waana Romelu Lukaku kaas oo uu maanta Mourinho ku raadinayo lacag dhan 100 milyan oo gini laakiin lacagtan ayaan wali u damaanad qaadi karin in Lukaku uu helo.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Xildhibaan Mahad Salaad“Dalkaan laguma maamuli karo Wareegto iyo War saxaafadeed”

July, 23, 2017
Xildhibaan Mahad Maxamed Salaad ayaa si adag uga fal celiyay go’aanada ay soo saaraan hey’adaha amniga dalka, isagoo ...

Wasiir Xoosh oo Ka hadlay Go aankii Ay Ka qaateen Baarlamaanka 8-dii Xildhibaan Oo Doorashadooda Muran Kajirtay

July, 23, 2017
Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in baarlamaanka aysan awood u laheyn inay jabiyaan go’aankii ay ...

{DAAWO MUQAALKA} Madaxweyne Cosoble Oo So gabagabeyay Tartan Kubada Cagta Oo Baladweyne Ka socday

July, 23, 2017
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa manta ka qeeyb galay Ciyaartii ugu danbeeysay ee lagu soo ...

Nabad Sugidda Soomaaliya oo saraakiil Al-shabab ka tirsan ku qabatay Magaalada Gaalkacyo

July, 23, 2017
Ciidamada Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa howlgal ay ka fuliyeen Magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug waxaa ay ku ...

Al-shabaab oo Odayaasha Gobolka Sh/hoose kaarar aqoonsi ah u sameeyay

July, 23, 2017
Xarakada Al-shabaab ayaa Odayaasha Gobolka Shabeellaha hoose u qabatay Dowro ama Siminaar lagu barayay kutubta qaar,waxaana Odayaasha oo ...

Dowlada Turkiga oo Israel eedeeyn kulul u jeedisay

July, 23, 2017
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku eedeeyey maamulka Israel inuu awood xad dhaafa u adeegsaday isku dhaca ...

Danjiraha Ingiriiska oo booqday xarunta dhaqanka ee Hargeysa

July, 23, 2017
Danjiraha Ingiriiska David Concar oo shalay ka hadlay xarunta dhaqanka ee Hargeisa International book fair, xaflad loogu dabaal ...