Wednesday, December 13th, 2017
Advertisements
Advertisements

Barcelona Oo Kaalinta Kowaad Gaashay, Real Madrid Oo Kaalinta Ugu Danbaysa Ku Hadhay Iyo Qaabkii Loogu Kala Baxay Tartankii ICC Cupka Ee USA.

Published on July 30, 2017 by   ·   No Comments

Markii uu soo dhamaaday xili ciyaareedkii hore waxa ugu wayn ee ay jamaahiirta kubbada cagta aduunku ku faraxday ayaa ahaa markii qaban qaabiyaasha koobka saaxiibtinimo ee International Champions Cup ay ku dhawaaqeen kulamo waa wayn oo si wayn looga helay kuwaas oo loogu balansanaa ciida USA.

Waxaa xalay si rasmi ah loo soo gabagabeeyay tartankii cuslaa ee International Champions Cupka ee dalka Maraykanka ku dhex maray qayb ka mid ah kooxaha ugu waa wayn aduunka oo ay ku jiraan Barcelona, Manchester United, Real Madrid iyo Juventus. Haddaba kaalmahee lagu kala dhamaystay tartankii ICC Cupka?.

Ugu horayn kooxda Barcelona ayaa kaalinta kowaad ku dhamaysatay waxaana la gudoonsiiyay koobka loo ordayay ee International Champions Cupka kadib markii ay soo wada guulaysatay kulamadii koobkan ee ay soo ciyaartay waxaana ugu danbeeyay kulankii El Clasico-da ee ay Real Madrid 3:2 ugu garaacday. Barcelona ayaa soo heshay 9 dhibcood waana saddexdii kulan ee ay guulaha ka soo gaadhay Juventus, Man United iyo Real Madrid.

Manchester City ayaa kaalinta labaad ku dhamaysatay kadib markii ay soo heshay lix dhibcood halka Manchester United ay kaalinta saddexaad xidhatay iyada oo 5 dhibcood soo urursatay. Kooxda AS Roma ayaa kaalinta afraad ku dhamayasatay halka kaalinta shanaad ay gashay kooxda Tottenham.

Paris Saint-Germain ayaa lagu eedeeyay in ay ku mashquushay arinta Neymar Jr waxayna gashay kaalinta lixaad iyada oo 2 dhibcood oo kaliya ka soo heshay kulamadii ay soo ciyaartay laakiin si lama filaan ah Real Madrid ayaa halka ugu danbaysa kaga dhamaysatay koobkan iydaa oo Los Blancos hal dhibic oo kaliya ka soo heshay ICC Cupka.

Miiska Kala Saraynta International Champions Cupka 

1-Barcelona. 9 Dhibcood

2-Manchester City. 6 Dhibcood

3-Manchester United. 5 Dhibcood

4-AS Roma. 4  Dhibcood

5-Juventus. 3 Dhibcood

6-Tottenham. 3 Dhibcood

7-Paris Saint-Germain. 2 Dhibcood

8-Real Madrid. 1 Dhib

 

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

DAAWO MUUQAALKA: Ciyaartii Barbaraha Ee Hirshabelle Vs Puntland Iyo Sidey Ugu Soo Gudbi Karaan Semi-final ka

December, 12, 2017
Kooxda xafidaneysa koobka Maamul Goboleedyada Soomaaliya ee Putland ayaa galabta ciyaar faraha looga gubtay bar baro ka tuugtay ...

{DAAWO SAWIRADA} Farxaan Booq oo guuldarro ka bad baadiyay Ciyaartooyda Puntland

December, 12, 2017
Xulka difaacanaya koobka ee Puntland ayaa waqti dambe bar baro ka helay Hirshabeele ciyaar xiiso badan oo ka ...