Sunday, January 21st, 2018
Advertisements
Advertisements

Ciidamada Kenya oo howl gallo ka wada xuduuda Soomaaliya iyo Kenya,

Published on July 17, 2017 by   ·   No Comments

Ciidamada Kenya ayaa howl gallo ka bilaabay xuduuda Soomaaliya iyo Kenya, kaddib markii laga war helay in tiro dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay ka soo gudbeen xuduudka Soomaaliya.

Diyaaradaha dagaalka Kenya iyo ciidamo lugta ah ayaa saacadihii la soo dhaafay lagu arkay xuduuda u dhaxeysa Soomaaliya iyo Kenya.

Saraakiil ka tirsan kenya ayaa sheegay inay wadaan howl gallo ay ku baadigoobayaan ragga la sheegay inay ka soo gudbeen xuduuda.

Ciidamada Kenya ayaa soo buuxiyay xuduuda, waxaana saacadihii la soo dhaafay diyaaradaha dagaalka Kenya ay duqeymo ka geysteen deegaano ka tirsan Gobolka Gedo.

Bisha soo socota ee Agosto ayaa lagu wadaa in dalka Kenya ay ka dhacdo doorashada madaxtinimada dalkaas, iyadoo laga cabsi qabo in weeraro ka geystaan Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa horay weeraro ka geystay gudaha Kenya, waxaana weerarkii ugu khasaaraha badnaa uu ahaa kii sanadkii 2015 lagu qaaday Jaamacadda Gaarisa, halkaasoo lagu dilay in ka badan 140 ruux oo u badnaa arday.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

Taabid Oo Markale Loo Doortay Gudoomiyaha G/Banaadir

January, 21, 2018
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed ayaa xalay markale loo doortay in uu sii ahaado ...

Madaxweynaha Jabuuti Oo ku Taliyay inay baxaan Ciidamada AMISOM.

January, 20, 2018
Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo wareysi siiyay Telefishinka Universal ayaa ka hadlay Arimaha Siyaasadda, amaanka iyo ...