Monday, December 11th, 2017
Advertisements
Advertisements

CR7′ Oo Muddo Kadib Si Dadban Uga Hadlay Mustaqbalkiisa Real Madrid Isagoo Sheegay..

Published on July 25, 2017 by   ·   No Comments

Weeraryahanka Real Madrid & qaranka Portugal Cristiano Ronaldo ayaa muddo kadib si dadban uga hadlay mustaqbalkiisa caasimadda isagoo la hadlayay wargeyska Marca ayuuna si fiican niyadda ugu dajiyay dhamaan jamaahiirta Los Blancos kana dhawaajiyay iney wacnaan laheyd inuu koobab kale kula guuleysto.

Xidiga afarta jeer heysta abaalmarinta Ballon d’Or ayaa si layaab leh loola xiriiriyay inuu ka tagayo Santiago Bernabeu madama ay soo ifbaxeen warar sheegaya inuu ka carooday kiiska cashuur lunsiga ah ee lagu soo eedeeyay.

Si kastaba Cristiano Ronalod wuxuu doonayaa inuu sii joogo Santiago inkastoo la xasuusto inuu xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay u qaaday koobkii 12-aad ee Champions League iyo horyaalkii 33-aad ee La Liga.

32-jirkaan heshiiska uu kula jiro Real Madrid wuxuu dhamaanayaa June 202, wuxuuna doonayaa inuu farxado kale la qaato kooxdiisa.

“Inaan kooxdeyda koobab waaweyn kula guuleysto sanadkii hore waxey aheyd wax weyn, sida hadda ay u weyn tahay inaan ku guuleysto abaalmarinada shaqsiga” ayuu yiri isagoo la hadlayay Marca.

“Inaan mar kale sameeyo wey fiicnaan laheyd”

“Waa inaad si adag u shaqeysaa, sanadba sanadka ka dambeeya, waana sii wadi doonaa inaan sameeyo, kubadda cagta waa nolosheyda, waana dareenkeyga”

Ugu dambeyntiina Cristiano Ronaldo ayaa rajeynaya inuu sanadkaan ku guuleysto markii shanaad abaalmarinta Ballon d’Or.

Wixii Faahfaahin Dheeraad Ah Nagala Soo Xiriir

hiranweyn@gmail.com

makaran@hiiraanweyn.net

radiohiranweyn@gmail.com

Readers Comments (0)




TOOS U DHAGEYSO RADIO HIRANWEYN

Hiran Media Center

latest News

DAAWO: Wariyaal Lagu Xiray Somaliland Iyo Ururka SOLJA Oo Si Kulul Ugu Hadlay

December, 10, 2017
Ururka Suxufiyiinta Somaliland SOLJA ayaa si kulul ugu hadlay Dacwadaha ka dhanka ah qaar kamid ah Suxufiyiinta Somaliland ...

Turkiga Oo Hotaal Cusub Kadhisaya Elaboorka Muqdisho

December, 10, 2017
Turkiga Oo Hotaal Cusub Kadhisaya Elaboorka Muqdisho